DFS oo soo nooleysay SHARIIF XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa wada qorsho Shirka ka Socda Baydhabo madaxweyne loogu dooranaayo Shariif Xasan Sheekh Aadan, sida ay sheegeen iloxog ogaal ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in heer gabogabo uu maraayo qorshaha Shariif Xassan madaxweyne loogu dooranaayo Maamulka Sedaxda Gobol, ee dadka deegaanka ay diideen, balse ay DF ku qasbeyso.

Qorshaha Shariif Xasan, ayaa waxaa si wada jir ah u daadihinaya Xasan Sheekh, Jawaari iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha baarlamaanka oo deegaan ahaan kasoo jeeda Baydhabo.

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa ku qanacsan in Maamulka Halkaasi ka hana qaadaya uu Madax ka noqdo, kadib markii uu ku fashilmay siyaasadda federaalka.

Xilkaasi loo dooran doono Shariif Xasan ayaa waxa uu ku muteysanayaa Ballan qaad hore uu ugu sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu la riday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Saacid.

Dhanka kale, Odayaal ka tirsan Ergooyinka shirka ayaa kasoo horjeeda in Shariif Xasan loo doorto Madaxweynaha Maamulka Sedaxda Gobol, halka Dowladuna ay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ku cadaadineyso inay doortaan Shariif Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com