Cabdi Weli oo raba inuu xilka ka qaado taliyihii uu khilaafka ka soo billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare oo Cabdi Weli Sheikh, ayaa magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Maxamed Xasan. Iyadoo magacaabistaasi shaki ku jiray sharcinimadeeda xaga dastuurka ayuu Madaxweyne Xasan Sheikh aqbalay Xil ka qaadis Taliyayaal ciidan iyo Magacaabis uu sameeyay Cabdi Weli.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa iminka la sheegayaa inuu doonayo inuu xilka ka qaado Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Maxamed Xasan, kadib Markii Taliyaha Ciidanka Booliiska uu xiriir dhow la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya oo ah Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dalka Soomaaliya oo dhamaan taliyayaasha ciidamadu hoos imaanayaan sida kala danbeynta ciidamada iyo shuruucda dalka sheegayso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa la sheegayaa inuu khilaafkoodu soo bilaawday maalmo kadib markii madaxweynuhu magacaabay R/W Cabdiweli. Khilaafka ayaa koowdiiba ka bilaawday xubnaha loo magacaabayo golaha wasiirada, madaxweynaha ayaa doonayey in xubnaha golaha wasiiradu noqdaan xubno siyaasad ahaan ku dhow dhow, halka Ra’iisul Wasaaruhuna doonayey xubno siyaasad ahaan isaga ku dhow oo la saaxiib ah inuu u magacaabo golihiisa wasiirada, arintaas oo uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ku guuleystay.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa golaha wasiirada ee uu magacaabay Cabdi Weli ku lahaa shaqsiyaad aad u yar oo ay kamid yihiin Faarax C/qaadir iyo Cabdikariin. Wasiirka Amniga Cabdikariin ayaa la sheegayaa inuu isu casilay culeys siyaasadeed uu daaha gadaashiisa ka riixayey R/W Cabdiweli. Sidoo kale Wasiirka Garsoorka Faarax ayaa culeys siyaasadeed badan uu heystay ilaa xiligii uusoo galay Golaha wasiirada.

Madaxweyne Xasan iyo R/W Cabdi Weli ayaa khilaafkoodu bilaawday maalmihii ugu horeeyay kadib markii Cabdi Weli uu codka kalsoonida ka helay golaha Baarlamaanka, isaga oo markaa cagta ku dhuftay heshiisyo aan sharciga ku saleysneyn oo ay madaxweynaha wada galeen.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu sal u yahay Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo awoodo isla mid ah siinaya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Dastuurka ayaa u qoran qaab u muuqanaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya awoodahoodu aysan kala cadeyn, markasta oo ay isqabtaana ay arrintu noqoto in loola laabto Beesha Caalamka.

Maadaama dastuurka dalka uusan cadeyneynin si waadax ah Mas’uulka ugu sareeya Dawladda Somaliya oo leh go’aanka ugu danbeeya ee dalka ama qofka uu noqonayo mas’uulka ugu sareeya ee Soomaaliya u metelaya caalamka ama qaabilaya madaxda caalamka ee Soomaaliya timaado, taasoo aad ka arki kartaan shirarka caalamka marna inuu Tago madaxweynaha marna inuu tago Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kalana Madaxda caalamka ee booqashada ku timaada Soomaaliya ay laba meel ku kala qaabilaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha. Labada Mas’uul ayaa caalamka ula hadla mid kasta inuu yahay Masuulka ugu sareeya Soomaaliya oo isagu go’aanka leh.

Arimaha noocaan ah oo mudo badan dhacayey, waji gabaxna ku ah qaranimada Soomaaliya ayuusan hogaanka Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubnaha baarlamaankuba isku dayin inay saxaan.

Gudoomiayaha Baarlamaanka Jawaari iyo Ku xigeenadiisa mid ka mid ah Xildhibaan Mahad Cawad ayaa la sheegayaa inay la kala safan yihiin Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha, iyada oo masuuliyiintaani midba kan uu ku xiran yahay u sheego inuu isagu yahay mas’uulka ugu sareeya dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com