Maxaad kala socotaa ruwaayadda Kay iyo xirtiisa ay ka wadaan Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, RW Cabdi Weli, Jawaari, iyo beesha caalamka oo uu hogaamiyo wakiilka UNSOM Somalia Nicholas Kay ayaa shacabka Soomaaliya iyo caalmaka-ba u sheega in dalka Soomaaliya laga hergelinayo nidaam maamulo Federaal ah, hanaanka xisbiyo, sanadka 2016-dana dalka ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah.

Arrintaan oo wakiilka UNSOM Somalia Nicholas Kay iyo Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya ka mideysan yihiin inay u sheegaan dalalka Caalamka iyo Shacabka Soomaaliya ayaa lagu tilmaami karaa BEENTA QARNIGA & MARIN HABAABINTII ugu xumeyd ee lagu sameynayo Qaranimada Soomaaliya.

Maxaa loo baahan yahay si Doorasho xor iyo xalaal ah u dhacdo 2016 iyo in la helo Nidaam Federal ah oo Nabad horseeda:-

• Dastuur Federaal ah oo kala cadeynaya Awoodaha iyo Masuuliyadaha Dawladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada. Dastuur ay ku cadahay qaabka Dawladda Federaalku u shaqeynayso, sida masuuliyiinteeda lagu soo dooranayo, Qaabka Maamul goboleedyadu u shaqeynayaan, noocyada masuuliyiinta ay yeelanayaan, sida loo dooranayo, Qaabka xisbiyadu ku samaysmayaan, Xiliga doorashooyinku dhacayaan, heer Dawladda dhexe, Heerka Maamul goboleedyada, Guddiga Doorashooyinka ee maamulaya doorashooyinka heerarka kala duwan ah, sida guddigu ku sameysmayo. Dastuurka Dalku mid ahaado oo ay ku cad yihiin wax kasta oo quseynaya DF Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada.

• Amniga Dalka oo ay tahay inuu DF Soomaaliya gacanta ugu jiro hadii ay tahay milateri, Booliis, Nabadsugid, Dalka laga sameeyo Tirakoob dadweyne, Dadka Soomaaliya oo qaangaarka ah oo qaata Aqoonsi ay ku codeeyaan, Tirakoobka dalka oo lagu saleeyo Kuraasta Gobolada iyo Degmoyinka kala yeelanayaan, Deegaan kasta oo xubin baarlamaan laga dooranayo loo sameeyo xuduud la yaqaan, hadii ay tahay hal magaalo gudaheed, kursi kasta oo baarlamaan xuduud loo sameeyo in dadka deegaankaas degan meelo ay ka codeeyaan oo laga sii register gareeyo la sameeyo.

• Dastuur Federaal ah oo ay ku cadahay Nidaamka dhaqaalaha Dalka, Bank-ga dhexe ee Soomaaliya hagayo nidaamka dhaqaalaha dalka, Canshuurta Dawladda Dhexe qaadeyso oo ay masuulka ka tahay, canshuurta Maamulada Goboladu qaadayaan, Canshuurta Dawladda Dhexe inta DF maamuleyso iyo inta Gobolada la gelinayo %, Kheyraadka Dabiiciga Dalka oo la sameeyo shuruuc ay ku cadahay in Dawladda Dhexe Maamulayso meeqa %, Gobolada kheyraadka laga soo saarayo inta lagu celinayo meeqo %.

• In La helo Dastuur Federaal ah oo Garsoorka Dalka mideysan yahay, kala cadahay Heerka DF iyo Heerka Maamul goboleedyada, sida ay ku sameysmayaan, La helo Dastuur ay ku cadahay Dawladda Federaalka oo masuuliyiintoodu ka imaanayaan dalka oo dhan metesho arrimaha Dibadda, Difaaca iyo Amniga gudaha, Dhaqaalaha, Garsoorka, Booliiska local deegaanada Maamul goboleedyada laga qorayo qeyb waa laga dhigi karaa, qeybna Federaal Booliis ayay noqon kartaa.

• Dastuur Federaal ah oo ay ku cadahay sida Maamul goboleedyadu u sameysmayaan, Shuruucda ay ku dhaqmayaan maamul goboleedyadu, Masuuliyadooda, sida ay DF ah ula shaqeynayaan, Xuquuqda lagu leeyahay, xuquuqda DF Somalia ku leeyihiin, Nidaam Garsoor lala tiigsanayo cidii sharciga jabiso. Sameysanka Maamul Goboleedyada Federaalka oo dalku yeelanayo sameyntooda oo ay tahay in laga hor mariyo Dastuurka Federaalka oo ay wax walba ku cad yihiin awoodaha, dhaqaalaha, garsoorka, Doorashooyonka, xuduudaha xubnaha Baarlamaanka, Xuduudaha Maamul goboleedyada.

• In la helo Dastuurkaa Federaalka oo wax walba ku cad yihiin in Beesha Caalamku xoojiyaan in lagu dhaqmo oo dhamaan gobolada ku dhaqmaan. Caalamku ku gacan siiyo hirgelinta dastuurkaa wax walba ku cad yihiin.

Sida Beesha Caalamka iyo DF Soomaaliya Lee yihiin waxaa lagu gaarayaa Doorasho 2016 & Nidaam Federal ah oo Nabad u horseeda Dalka:-

• Dastuurkii Federaalka oo aan la sameyn, la dhmaystirin, lagu muujin Masuuliyadda DF Somalia iyo Masuuliyadda Maamul goboleedyada oo la dhahayo waxaa la sameynayaa MKG ah oo kamid noqda Federaalka Soomaaliya.

• Dawlado la leeyahay waxay kamid noqonayaan Federaalka Soomaliya oo laga hoos sameynayo DF Soomaaliya, Dawladahaas oo looga dayanayo Maamulka Puntland, Dawladahaas waxey leeyihiin Dastuur u gaar ah oo aan la jaan qaadeyn dastuurka qabyada ee Federaalka, Dawladahaa waxay yeelanayaan ciidan u gaar ah, booliis, Milateri, Nabadsugid, Canshuurtooda waa u gaar, Baarlamaan iyo Gole wasiiro u gaar ah ayay yeelanayaa, Dawladahaas nidaam axsaab u gaar ah, Doorashooyin u gaar ah ayey yeelanayaan sida Maamulka Puntland ee looga dayanayo ku qoran, Masuuliyiinta Dawladahaa la leeyahay Federaalka ay ka mid noqonayaan waxaa lagu dhaarinayaa ilaalinta iyo dhaqangelinta Dastuurka Dawlad goboleedka aan la jaan qaadeyn Kan qabyada federaalka.

• Ma jiro qorshe Tirakoob dalka, Hanaan Xisbiyo dalka laga hirgelinayo.

• Dawladaha xubnaha ka noqonaya Federaalka Soomaaliya oo la dhahayo waa la sameynayaa ama Wakiilka UNSOM Nicholas kay iyo Madaxda dawladdu leeyihiin waa sameysan yihiin, Maamuladda ma aqoonsana Dastuurka DF soomaaliya, DF ma metesho hadii ay tahay la macaamilka caalamka, soo saarista kheyraadka, Mana jiraba Dastuur ay ku cadahay awoodaha iyo sida maamulada u wada shaqeynayaan, waxaana tusaale kuugu filan Madaxweynaha Puntland oo sida UNIVERSAL TV laga wada fiirsaday manta sheegay in Dastuurka Puntland oo uu ku dhaartay ay ku qoran tahay ilaalinta midnimada GOBOLADA PUNTLAND OO KA KOOBAN 8 GOBOL, SIDOO KALANA SHEEGAY IN DASTUURKA PUNTLAND OO UU KU DHAARTAY SHEEGAYO IN DOORASHO KA DHACDO PUNTLAND SANADKA 2019-KA. Sida qof kastaahi og tahayna ay ku qoran tahay in Soomaaliya ka kooban tahay 18 gobol, sidoo Kalana NICHOLAS Kay , Madaxweyne Xasan Sheekh, RW Cabdi Weli iyo Madaxda Baarlamaanka u sheegayaan in sanadka 2016-ka Soomaaliya doorasho hal cod hal qof guud ahaan Soomaaliya ka dhacayso, bal is weydii sida beesha Caalamka iyo madaxda Dawlada Federaalka ku hadlayaan iyo sida Madaxda Dawlad Goboleedyada u hadlayaan mida u dhow xaqiiqda? Xaqiiqada ayaa ah sida uu u hadlayo Madaxweynaha Puntland, uusana jirin Dastuur Federaal lagu mideysan yahay, aysana jirin doorasho soomaaliya ka dhacaysa 2016-ka.

• Dawladaha madaxda Dawladda iyo Beesha caalamku samaynayaan wax kala dhaxeeya oo DF Soomaaliya ma jiraan oo aan ka aheyn inay sheegtaan inay yihiin Dawlado kamid ah Federaalka Soomaaliya.

• Dawladaha waxaa loo wajahayaa oo loo sameynayaa qaab beeleed, beelo gaar ah awooda gacanta loo gelinayo awooda Maamuladda, Xuduudaha Dawlad goboleedyadaa waxaa kawada taagan isku heysad, xiisad dagaal, waxaa la isugu wada haystaa qaab qabiil, qaab Maamul sida Somaliland, Puntland, Khaatumo, Central state, Koofur galbeed, Maamulka Juba, Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo Kan gobolka Banaadir.

• Sameyntii Dastuur dhamaystiran oo dalku yeesho waxaa laga hormarinayaa sameynta Dawlado la leeyahay waxay ka mid noqonayaan Federaalka Soomaaliya oo u dhaqmaya sidii dawlad madax banana marka laga reebo magaca Soomaaliya oo ay marmar sheeganayaan inay kamid yihiin.

• Dawladahaa kamid noqonaya Federaalka oo beesha Caalamku ku dhiirigelinayaan inay u dhaqmaan sidii dawlado la siman DF Soomaaliya, Nicholas Kay, Safiirada Midawga Yurub, Kuwa IGAD waxay ula macaamilayaan sidii dawlado lasiman DF Soomaaliya, Deeqaha Caalamka lama soo marsiinayo DF Soomaaliya, Dawlad goboleedyada si toos ah ayaa loola xiriirayaa.

• Dawladaha kamid noqonaya Federaalka Soomaaliya sida Nicholas Kay iyo Madaxda DF Soomaaliya waxaa loo samaynayaa ciidan hadii aad u fiirsato kaba awood badan kan dawladda Dhexe, tusaale waxaa ku filan ciidamada Imaaraadka carabta UAE u tababaray, qalabeeyay maamulka Puntland, iyo sida hadda loogu tababarayo qalabaynayo ciidanka Maamulka KMG ah Juba.

Isku soo wada duube waxaa dalka Soomaaliya ka socda oo ay horboodayaan wakiilka UNSOM Somalia Nicholas Kay, Wakiilka EU Somalia, Midawga Africa AU, IGAD iyo Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ay kamidka yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, RW Cabdi Weli, Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari iyo ku xigeenadiisa ee ay iyaga oo mideysan u sheegayaan Shacabka Soomaaliyeed oo hurdada dheer ku jira, qaarkood isku naceen qaab qabiil ayaa lagu tilmaami karaa BEENTA QARNIGA & MARIN HABAABINTII ugu xumeyd ee lagu sameynayo Qaranimada Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayay u diyaarsan tahay marka lagaaro 2016-ka inay dhahdo doorasho waxaa loo gaari waayey khilaafka Madaxda Dawladda iyo Khilaafka Dawlad goboleedyada lugta iyo luqunta looga xirayo helitaanka Dawlad Soomaaliya leedahay eel amid noqota dawladaha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com