Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa maanta kulan gaar ag xafiiskiisa kula yeeshay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsay Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro, oo ay wehlinayso ku xigeenkeeda arrimaha siyaasadda, Marwo Karin Gatt-Rutter.
Ugu horreyn guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa si diirran u soo dhaweeyay Danjiraha cusub, isaga oo sheegay in si dhow ula shaqeyn doonaan muddada ay joogto xafiiska, si loo sii hormariyo xiriirka iyo wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Ururka Midowga Yurub.
Intaasi kadib labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xaaladaha taagan gaar ahaan arrimaha siyaasadda, shuruucda muhiimka ah ee Golaha hortaalla, dib-u-eegista dastuurka,iyo qorshayaasha kale ee mudnaanta u leh Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Cabdi Xaashi oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale ka warbixiyay howlaha shaqo ee Aqalka Sare iyo shuruucda muhiimka u ah dib-u-dhiska dalka iyo dowlad-wanaagga, iyadoo si gaar ah loogu tilmaamay dhammaystirka cutubyada harsan ee Dastuurka KMG ah ee dalka.
Dhankeeda Danjiraha Midowga Yuru ee Soomaaliya Francesca Di Mauro aya guddoomiyaha uga mahadcelisay soo dhaweyntiisa diirran ee uu u sameeyay, waxayna bogaadisay dadaallada Golaha Aqalka Sare ee ku aaddan ansixinta shuruucda muhiimka ah ee dowlad-dhiska Soomaaliya.
Waxaa kale oo ay xaqiijisay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo farsamo ee lagu garab istaagayo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Danjire Di Mauro ayaa todobaadkii hore la kulantay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Baarlamaanka iyo Midowga Yurub, gaar ahaan arrimaha la xiriira dib-u-eegista dastuurka iyo shuruucda muhiimka ah ee hortaalla Golaha Shacabka Soomaaliya.
Kulamadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay ka taagan taay xiisad siyaasadeed oo culus, una dhexeysa Villa Somalia, mucaaradka iyo laba kamid ah maamullada dalka, taas oo ka dhalatay arimaha dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.


