CABDI XAASHI oo si adag uga jawaabay eedeyntii uga timid Mahdi Guuleed

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa meel ka dhac ku tilmaamay hadal kasoo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, sidoo kalana wuxuu sheegay inuu wali ku adkeysanayo go’aankii uu ka gaaray gudiyaada ay dowladda magacowday ee doorashada 2021.

“Arintaasi waa gaf, isagana ayey u gaar tahay” ayuu Cabdi Xaashi u sheegay idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga, sidoo kalana wuxuu taliyaha Nabad-sugidda Fahad Yaasiin  ku eedeeyay inuu isaga doonayo inuu soo xulo xubnaha ka mid noonaya guddiyada codeynta.

Mushkiladda u dhaxeysa dowladda dhexe iyo gudoomiyaha aqalka sare waxey tahay soo xulista guddiga doorashooyinka ee ka wakiilka ah Somaliland, wuxuuna sheegay iney doonayaan iney soo xulaan dadka halkaas kasoo jeeda, sidoo kalana ay guuldaro weyn ka imaan doonto hadii aan sidaas la sameyn.

Waxaa laga cabsi qabaa in jadwalka doorashooyinka ay dib u dhacaan sabab la xariirta in la saluugsan yahay guddiyada doorashooyinka oo ay dowladdu magacowday oo la tuhmay iney ku jiraan xubno ka tirsan Nabad-sugidda, shaqaalaha Villa Somalia iyo qaar ka mid ah taageerayaasha dowladda.

Xubnaha Mucaaradka waxey si cad u diidan yahiin guddiyada doorashada ee ay dowladda magacowday, waxeyna aaminsan yahiin iney arintaas kasoo horjeedo heshiiskii wadar ahaanta loo gaaray ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waxaa laga digay khalalaase ka dhaca wadanka, sidaas darteed hay’ad caalami ah ayaa ku baaqday in muddo kororsi la sameeyo si dhibaatada looga baaqsado, balse xubnaha mucaaradka wey ka biyo diideen arintaas.

Lama oga sida ay xaaladdu ku biyo shuban doonto, balse waxaa aad looga digayaa dhibaato, waxeyna arintaani kusoo aadyesaa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kor u kac ah tan iyo markii ay ka burburtay xukuumadii Militariga horaantii sagaashamaadkii.