CABDI XAASHI oo si weyn uga horyimid warqad kasoo baxday xafiiska Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka horyimid 7 ka mid ah xubnaha golaha adeegga Garsoorka ee uu dhowaan saxiixay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Warqadda kasoo baxday xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay inuu sharci darro ah yahay xeerka uu saxiixay madaxweynaha, islamarkaana uu ka hor imaanayo qodobada dastuuriga ee ka hadlaya dhismaha golaha adeegga garsoorka.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale intaasi ku daray in golaha shacabka 22-kii bishii November uu u soo diray aqalka sare qaraar uu kusoo ansixiyay illaa 7 xubnood oo ka mid noqonaya golaha adeegga darsoorka, kuna jiran guddoomiyaha Maxkamadda Sare  & Xeer ilaaliyaha qaranka.

Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu ku tuntay shuruucda u taal dalka, gaar ahaan qaabka ay tahay in loo maro adeegga garsoorka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xeerkan uu madaxweynuhu saxiixay, iyada oo aan lasoo marsiin Senatorada golaha aqalka sare ee baarlamaanka dalka, waxaana arrintan ay sii xoojineysaa khilaafka guddoonka golahan kala dhexeeyo hoggaanka Villa Soomaaliya.