Haween dil iyo dhaawac loogu geystay degmada Dayniile ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal isugu jiro dil iyo dhaawac oo ay saaka aroortii hore kooxo hubeysan ka geysteen qeybo ka mid ah dgmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo dhacdada kadib goobta isaga baxsaday.

Kooxdan oo ku hubeysneyd bistoolado ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday haween ku sugnaa degmadaasi, xilli ay raacayeen mooto, kuna sii jeedeen goobtooda shaqada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in haweenka la toogtay oo ay qaar dhaawacyo soo gaareen ay nadaafad ahaan uga shaqeynayeen xarunta wasaaradda Gaashaandhigga.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo ka hadlay falkan ayaa xaqiijiyey in lagu dilay ugu yaraan saddex haween oo labo ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen.

Sadiiq ayaa intaasi kusii daray in haatan ay socdaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi oo uu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen dagaalyahanada Al-Shababa.

“Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen Maleeshiyaad la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan Kooxaha Argagixisadda ah,”.

Dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneyso falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyey qaraxii shalay ee Sayidka.