Sidee hay’adaha ajnabiga ah ee Xalane ku helaan xogta qaraxyada Muqdisho? 

Muqdisho (Caaimada Online) – Baaritaan ay sameysay Caasimada Online ayey ku ogaatay in hay’adaha shisheeye ee dagan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho helaan inta ugu badan xogta qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ka hor inta aysan dhicin. 

Hay’adahaan oo fadhigoodu yahay Xalane ayaa labadii qarax ee ugu dambeeyay islamarkaana ka dhacay Muqdisho shaaciyay kana digay 48 saac ka hor, waxeyna qaraxyadaas u dhaceen sidii ay u sheegeen. 

Inkastoo aysan hay’aduhu sheegeen bartilmaameedka oo toos ah, nuuca qaraxa ama gaariga iyo saacada ama maalinta uu ku aadan yahay, hadane waxey bixiyaan digniin abuuri karta feejignaan iyo taxadar. Si kastaba, maadaama aysan sheegin goobta rasmiga ah ee qaraxa, way adag tahay in laga hortago.

Caasimada Online oo la hadashay Soomaali iyo ajaaniib dagan Xalane, islamarkaana qeyb ka ah hay’adaha shisheeye ee dhanka amaanka ayaa ogaatay in lacag badan oo kumanaan kun oo dollar ah ay ku bixiyaan helista xogta qaraxyada. 

“Waxaa lacag la siiyaa Soomaali aad xog ogaal u ah, qaarkoodna xiriir la leh qaar kamid ah kuwa soo abaabula qaraxyada, ama kuwa kale oo ka agdhow, balse ma sheegi karaan bartilmaameedka oo sax ah, mararka qaarna way noo sheegaan kadibna cida ay quseyso ayaa la wadaagnaa balse markasta waxaa soo saarnaa digniin guud,” ayuu yiri qof Soomaali ah oo la shaqeeyaa hay’adaha Xalane.

Soomaalida lacagta kumanaanka dollar ah ku qaata helista xogta qaraxyada, ayaa sidoo kale klacagtaas wax ka siiya xubno ku jira Shabaabka oo xogta usoo gudbiya.

“Ma heli karno mana heysano qalab lagu ogaan karo qaraxa, nuuca gaariga, balse waxan lacag ku bixinaa inaa ogaano qaraxa iyo marka uu soo galo ama ku soo wajahan yahay Muqdisho,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka la hadlay Caasimada Online. 

“Sidee ayaa ku aamintaan xogta aad heshaan,” ayaa la weydiiyay waxa uuna ku jawaabay “waxaan ku aaminaa in qofka aan marka hore isaga baarno, xogaha aan ka qaadano imise ayaa ka run ah ama ka been ah, xil nuucee ah ayuu ka dhax haayaa Al-Shabaab, ma badno inta jeer ee been aan kala kula kulano balse bartilmaameedka waa badali karaan mararka qaar,” ayuu yiri.

Shacabka Muqdisho ayaa aad isu weydiiya sababta ay hay’adahaan usoo sheegi la’yihiin halka qaraxa loo wado, tirada dadka iyo nuuca gaariga hase yeeshee xogta ay helaan ayaan ku jirin goobaha rasmiga ah ee qaraxyada.