Xog: FARMAAJO oo digniin dul-dhigay mas’uuliyiinta maamulka gobalka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay mas’uuliyiinta maamulka gobalka Banaadir. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo xubnahaan qaabilay islamarkaana uu dhageestay tabashooyinkooda, isagoo intaas kadib amar ku siiyay in ay wadas haqeeyaan, haddii ay dhici weysana laga qaadi doono xilalka islamarkaana la keeni doono mas’uuliyiin isla shaqeyn karta. 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dhinacyadaan aysan Madaxweynaha si waafi ah ugu sheegin waxa uu ka billowday khilaafkooda oo ahaa dhul boob ka socda magaalada, balse ay siiyeen xogta arrimo kale oo khilaafka qeyb ka ahaa.

“Haddii aadan awoodin inaa wadashaqeysaan fadlan ogolaada in gobalka aan keeno dad wada shaqeyn kara isna xushmeeya,” ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlay mas’uuliyiintaan, sida ay noo sheegeen xubno ka mid ah.

Shaqada gobalka ayaa hada caadi ku soo laabatay inkastoo wali laga dareemayo saameenta khilaafkaas uu ku reebay xafiisyada maamulka, waxaana la sheegay in weli dhinacyada aysan isku niyad sameyn.