B/Caalamka oo dhabarka xejisay mucaaradka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa u muuqata inay dhabarka xajisay musharaxiinta mucaaradka, ayada oo diideysa inay wax kaalin ah ku yeeshaan go’aanada la xiriira doorashooyinka dalka ee weli la isku hayo. 

Kadib markii muddo xileedka Farmaajo uu dhammaaday, waxaa jirtay rajo ah inuu la mid noqomnayo musharaxiinta kale, ayna si isku mid ah kaalin ugu yeelanayaan wada-hadallada doorashooyinka, hase yeeshee taasi ma muuqato.

Midowga Musharaxiinta iyo ururada Bulshada rayidka ah ayaa dalbaday inay kasoo qeyb galaan shirka uu ku dhawaaqay Farmaajo ee 15-ka Febraayo. Sidoo kale maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa taageeray go’aan walba oo saamileyda siyaasadda uga qeyb noqon karaan kulanka.

Hase yeeshee qoraalkii ay shalay soo saareen xubnaha beesha caalamka ayaa diiday in wada-hadallada la ballaariyo marka la eego qaabka loo dhigay qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Beesha Caalamka waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqidda in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ay kulmi doonaan 15-ka Febraayo si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii September, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhusamareeb ee dhowaan qabsoomay.”

Qoraalkan ayaa lagu xusay oo kaliay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sidoo kale waxaa lagu dalbaday hirgelinta heshiiskii 17-kii September, waxaana labadan qodob ay si toos ah u sheegayaan in mucaaradka uusan boos uga banaaneyn wada-hadallada.

Musharaxinta mucaaradka waxay hadda sugayaan kaliya natiijada kasoo baxda wada-hadallada cusub, inkasta oo ay isku aragti dhaw yahiin dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland, oo aragtidooda halkaas geyn kara.

Beesha caalamka ayaa marar badan lagu eedeeyey in aysan dhex-dhexaad ka aheyn arrimaha siyaasadda Soomaaliya oo ay la safan yihiin madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, waxaana qoraalkooda shalay uu sii xoojinayaa aragtidaas.