Weerar culus oo ka dhacay Beledweyne + Khasaaraha

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar culus uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa lagu ekeeyey fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin xaafadda Buundaweyn ee magaaladaasi.

Ugu yaraan labo qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay weerarkan, iyada oo jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray askar iyo dad kale oo rayid ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib raggii ka dambeeyey falkaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale sameeyey baaritaano dheeraad oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarka.

Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan, waxaana sidoo kale magaalada howl-gallada ka waday laama amniga.