DF oo xirtay mid ka mid ah waddooyinka halbowlaha u ah Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay dhagxaan dhigtay bartamaha isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ah goob aad u maqshuul badan.

Gaadiidka isticmaalaya wadada Maka Al-mukarrama ayaa toos uga gudbi kara isgoyska dabka, isagoo aan u leexan karin dhanka isgoyska Bakaaraha ama dhanka kale ee xarunta degmada Waaberi, hadii uusan ku socon seedka xiga.

Inta badan isgoyska Dabka ayaa ah mid mashquul badan oo mar kasta ay gawaaridu isku xayirmaan, iyadoo ay joogaan ciidamo Taraafiko ah oo kala haga gaadiidka, intii ay awoodaan.

Tallaabadan lagu kala xiray wadadaan muhiimka ah ayaa imaaneysa iyadoo shalay gaari qarax siday uu xoog ku dhaafay bar control oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin meel aan ka fogeyn isgoyska dabka, kaas oo qarxay inta uusan gaarin barta control ee taallada Sayidka, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada uu soo dhaafay.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale dhagaxaan ugu jartay isgoyska Soobe oo mar uu ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee abid Soomaaliya ka dhacay, kaas oo galaaftay nolosha dad badan.

Isgoyskaas oo ahaa mid mashquul badan ayaa hadda waxaa dhagaxdii lagu jaray dhibaato weyn ku qaba gaadiidka u leexanaya dhanka xaafadda Buulaxuubey ama degmada Wadajir, balse waxaa intii hore ka yaraatay saxmadii gaadiidka.