Xasan Sheekh oo sheegay ‘arrin ka mudneyd’ juhdiga uu Farmaajo ku bixiyey Gedo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in xukuumadda muddo xileedkeedii dhamaaday aysan dadaal badan ku bixin arrinta badda.

Xasan Sheikh oo wareysi siiyay TV-ga Goobjoog ayaa sheegay in sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo juhdiga uu ku bixiyay mudadii uu xafiiska joogay Gobolka Gedo ay dhaami laheyd inuu hormar uga sameeyo arrinka badda oo ilaa iyo hadda aan wax muuqda laga sameyn.

“Nasiib darrada ugu weyn ee na heysata waxey tahay, horayna waan u sheegnay qadiyadda Badda, dowladeena kuma mashquulsana juhdiga, dhaqaalaha iyo wakhtiga ay galisay gobolka Gedo iyo sidii loo kala furfuri lahaa Jubbaland hadii ay badda galin laheyd, waxey ila tahay in wakhtigaan jawaab la heli lahaa xukunna dhici lahaa,” ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu wareysi horay ugu sheegay ineysan dowladda horayna juhdi ugu bixin haddana aysan ku bixineynin, kaliyana ay ka shaqeyneyso iney kala dirto dadkii ka shaqeynaayay.

“Looyaradiiye kala dirtay ,safiirkii iyo xeer ilaaliyihii la yaqaanay wey dirtay, waligeedna dowladda inta shacabka hor timid, waxaan ayaa naga heysta oo caqabado ma aysan dhihin, anagana waxaan hor geyn jirnay Baarlamaanka, sidoo kalana xukuumadda la hor dhigi jiray, sidoo kalana bulshada rayidka ayaa ka qeyb gali jiray oo maxkamadda inta tagto dhageysan jiray waxa meesha ka dhacaya.”

Xasan Sheikh wuxuu aaminsan yahay in sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan wax tallaabo ah u qaadin arrinka badda, wuxuuna si cad u sheegay inuu juhdi ka badan ku bixiyay inuu kala diro maamulka Jubbaldn.