Baabuur qarax culus looga fulin rabay Muqdisho oo la qabtay kadib qaraxii maanta

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa gacanta ku dhigay gaari la sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa, kadib howlgal ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

Nooca gaariga lagu soo raray qaraxa ee ay qabteen ciidanku waa Homey, waxaana lagu qabtay tuulada Cad-Cadeey oo hoos tagta degmada Afgooye gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamada Danab ayaa howlgalkaan sameeyey kadib markii lagu soo war-geliyey in Al-Shabaab ay halkas ku rakibayaan gaari qarax ah, waxaana u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan, isaga oo aan qarxin.

Saraakiil ka tirsan Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in gaariga la qabtay uu ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho, in kastoo aan la shaacin bartilmaameed rasmi ah.

Waxay sheegeen saraakiishu in gaarigaas mudo la diyaarinaayey, isla markaana lagu dhitaaneyn rabay shacabka Soomaaliyeed, balse ay ka hor tageen sida ay hadalka u dhigeen.

Saraakiisha u hadashay Danab waxay sheegeen in shacabka ku nool deegaanka lagu diyaarinayey gaarigan qaraxa ah ee Cad-Cadeey ay ku soo war-geliyeen, iyaguna ay uga howlgaleen si naf hurnimo ah.

Inta badan qaraxyada ku rakiban gaadiidka ee Al-Shabaab ay weerarrada uga geystaan gudaha caasimadda Muqdisho ayaa lagu soo rakibaa gobollada Shabeellooyinka oo waqooyi iyo koonfurka ka kala xiga caasimadda Soomaaliya.