Maxay tahay warqadda uu Rooble u diray madaxda dowlad goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in sii-hayha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu warqad u diray dhamaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo maamulka gobalka Banaadir.

Warqada uu diray Rooble ayaa maamullada loogu sheegay in ugu dambeyn 13-ka bishan, oo caawa ku eg, ay soo dirsadaan min 2-qof oo ah guddi farsamo oo ka soo shaqeeya xal u helida qodobada dooda ka taagan tahay ee doorashada Soomaaliya.

Shaqada guddigaan ayaa ah in ay soo diyaariyaan dhowr qodob oo la kala xusho, kuwaas oo ku aadan qodobada muranka dhaliyay ee doorashada Soomaaliya. Xubnaha ayuu qorshuhu yahay in 14-ka bishaan oo ku beegan Axadda berri ah ay ku kulmi doonaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Dowladda federaalka waxaa guddigaas ku metelaya wasiirka dastuurka Soomaaliya iyo Amb. Yuusuf Garaad Cumar Axmed. Sidoo kale qaar ka mid ah maamullada ayaa soo disarady guddiyadaas, gaar ahaan maamullada ku xiran dowladda federaalka.

Waxyaabaha kale ee howsha guddigaan qeybta ka ah waxaa kamid ah in ay ka soo tala bixiyaan halka uu ka dhacayo shirka ay isugu imaanayaan madaxda dowladda, kuwa maamul gobaleedyada dalka iyo maamulka gobalka Banaadir 15-ka bishaan.

Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa ku heshiin waayey hanaanka loo hir-gelinayo heshiiskii ay ka gaareen doorashada Soomaaliya, waxayna dhawaan ku soo kala tageen Dhuusamareeb, iyagoo aan gaarin wax heshiis ah.

Hadda caqabadda koowaad waxay ka taagan tahay, halka lagu qabanayo shirka xiga kii fashilka ku soo dhamaaday ee Dhuusamareeb-4, Puntland iyo dowladda federaalka ayuu midba midka kale ku riixayaa gogosha shirka 15-ka bishan uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sida muuqata Madaxweyne Farmaajo ma doonayo in talada doorashadu dhaafto isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay doonayaan in shirka heshiiska looga gaaro doorashada la balaariyo oo lagu soo daro dhinacyada kale ee saamileyda siyaasadda, sida musharaxiinta kale, ururrada bulshada rayidka ah, iyo beesha caalamka haatan door dhex-dhaxaadineed ugu jirta Soomaalida.