Daawo: Jawaari oo sheegay ‘qorshaha’ Farmaajo ee 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay inay tahay arrin olole doorasho ah kuraasta gobolka Banaadir eee uu dhowaan saxiixay Farmaajo.

Jawaari ayaa sheegay inay tahay wax aan wanaagsaneyn in kuraasta gobolka Banaadir loo adeegsado olole doorasho, balse ay tahay xaq uu leeyahay gobolka Banaadir.

Prof. Jawaari, oo su’aalo lagu weydiiyay barnaamij dood wadaag ah oo ay soo qaban qaabiyeen warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho, ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan mustaqbalka 13-ka kursi ee la yiri halaga siiyo aqalka sare gobolka Banaadir.

Wuxuu ka sheekeeyay iney sanadkii 2016 soo martay arrintaan, islamarkaana Baarlamaankii 9-aad uu go’aan ka gaaray, sida uu sheegay, wuxuuna qiray in Xamar ay xaq leedahay lana siiyo wax xalaal ah, balse in olole siyaasadeed iyo olole doorasho midkood lagu galo aysan isaga la fiicneyn.

“Aniga waxaan jeclahay marka qofka wax la siinaayo in si xalaal ah wax loo siiyo, laakiin in olole doorasho iyo mid siyaasadeed laga dhigto ma jecli, Xamarna xaq wey leedahay, baarlamaanka 9-aadna go’aan cad ayuu ka gaaray arinkaa,s” ayuu yiri Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Si kastaba sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ansixiyay 13-ka kursi ee gobolka Banaadir, walow aan wali la horgeynin Baarlamaanka hadana Prof. Jawaari wuxuu u arkaa iney tahay olole siyaasadeed iyo mid doorasho in xiligaan lagu soo aadiyo.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO: