Cabdi Xasan HUBAALE oo isku soo dhiibay dowladda

Qoryooley (Caasimada Online) –  Wararka aan ka heleyno gobolka Shaneelaha waxay sheegayaan in maanta ay degaan hoostaga degmada Qooryooley oo ka tirsan gobolkaasi uu iska soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Sarkaalkaan ka soo goostay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi Xasan Hulbaale, sida lagu sheegay muuqaal laga duubay.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu kooxda ka tirsanaa sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, isla-markaana uu ka howlgalay meelo kala duwan oo kamid ah gobollada dalka

Cabdi Xasan Hulbaale ayaa ahaa madaxii Al-Shabaab ee tuulada Maaya Faarax ee degmada Qoryooley, wuxuuna isku dhiibay ciidamada 14-ka Octobe ee ku sugan deegaanka Janaale.

Ninkan ayaa sidoo kale door-weyn ku lahaa dagaalka Al-Shabaab ay ka wadaan Shabeelaha Hoose oo ay inta badan kooxda ka fuliso weeraro toos ah iyo qarxyo khasaare geysta.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi isa soo dhiibay ee muddada sanadaha ah ka tirsanaa kooxdaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa si joogto ah isaga dhiibta gobollada dalka, maadaama dagaal culus uu uga furan yahay dhankaas, sidoo kale waxaa kooxda halkaas ku heysta go’doon adag oo dowladdu ay gelisay.

Dagaalka tooska ah ee koonfurta iyo bartamaha dalka uga socda kooxda AL-Shabaab, waxaa u dheer go’doon la saaray inta badan deegaanada ay ku sugan yihiin, waxaana kusii dhowaaday ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa isa soo tarayey xubnaha Shabaab ee isku soo dhiibay dowladda , waxaana loo sababeynayaa cadaadiska la saaray kooxda.