Cabdikariim Guuleed oo u hambalyeeyey Qoor Qoor

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Siyaasiga Cabdi Kariim Xuseen guuleed ayaa hambalyo u direy Madaxweynaah Cusub ee loo doortey Madaxweynaha Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Qoraal uu soo dhigey Bartiisa facebook ayuu ku sheegay in uu rajeynayo in uu Qoorqoor ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug.

“Hambalyo madaxweynaha cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaan kuu rajeynayaa in Allah kuu fududeeyo xilka culus ee aad qabatay. Waxaan rajeynayaa in hogaanka cusub uu ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug.

Marka lag soo tago Hambalyada uu u jeediyey madaxweynihii hore ee galmudug madaxweynaha Cusub ee loo doortey maamulkaas ayaa waxaa jira siyaasiyiin iyo Xildhibaano dhaliilsan doorshadaas.