Cabdikariin Guuleed oo ka digay ‘arrin ay damacsan tahay’ dowlada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah midogwga Musharraxiinta ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2021-ka iyo sidoo kale soo labo kacleynta cudurka Coronavirus.

Ugu horreyn Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay siyaasadeyneyso kiisaska cudurka Covid-19, islamarkaana ay damacsan tahay inay ku dhacdo doorashada dalka 2021-k, isaga oo si adag uga digay arrintaasi.

Musharraxa ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay muhiim tahay in la raaco talooyinka caafimaadka, islamarkaana si guud looga taxadaro faafista xanuunka Coronavirus.

“Xaaladda Covid-19 waa mid guud ahaan dadka looga baahan yahay in ay ka taxadaraan, waxaana qabnaa shaki la xiriira in ay Dowladdu siyaasadeyso kiisaska xannuunka iyada oo qorshaheedu yahay in lagu dhaco Doorashooyinka lagu heshiiyay in ay dalka ka dhacaan,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta ku aadan dibad-baxa ay musharraxiintu ka abaabulayaan magaalada Muqdisho, wuxuuna shaaciyey inuu dhacayo banaan-baxaasi.

“Mudaharaadku waa mid dastuuri ah, waxa uu ka dhashay doorashooyinka dalka oo aan qabsoomin, Dowladdu qudheeda waxa ay dadka isugu soo bixisaa marka la taageerayo guulaheeda, halka ay diido kan lagu muujinayo gaabiskeeda, haddaba maxaa xalaaleeyay kan Dowladda oo kan mucaaradka xaaraantimeeyay,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo weli xaaladda dalka ay isku cakiran tahay, islamarkaana isha lagu wada-hayo shirka ay leeyihiin madaxda dowlada federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee looga hadlayo doorashooyinka 2021-ka.