Muxuu yahay hubka ay ciidamada Mareykanka ka qabteen xeebaha Somalia?

Washington (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa waxaa faah faahin dheeri ah looga bixiyey hub sharci darro ah oo uu Markabka USS Winston S. Churchill ku qabtay xeebaha dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Badda Mareykanka ay gacanta ku dhigeen labo doon oo lagu soo raray hub fara badan, xilli ay marayeen meel ku dhow xeebaha Badweynta Hindiya ee Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in doonyahan ay sideen hub kala duwan, islamarkaana ay ku soo wajahnaayeen gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha Markabka USS Winston S. Churchill ayaa waxaa hoosta ay ka xariiqeen inay gacanta ku digeen dadkii la socday doonyahaasi siday hubka.

Mareykanka ma xusin halka ay ka soo shiraacdeen doonyaha la qabtay iyo cidda ay u sideen hubka gacanta lagu dhigay oo ay ka mid yihiin qoryaha nooca Kalashnikov ee AK 47, qoryaha Boobayaasha Fudud, qoryaha culus ee Shiishka leh, Gantaalada Garabka laga gano ee RPG ama 7 iyo hubka ay ku hawl-galaan ciiddanka Lugta (Crew-served weapons operated by infantry).

Video ay sii daayeen ciidamada Mareykanka ee gacanta ku dhigay hubkaasi ayaa sidoo kale waxaa la arkayey ciidamada oo baaris ku haya doonyahaasi.

Si kastaba arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay Soomaaliya haatan ku jirto marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana laga cabsi qabo in dalka uu galo fowdo, waxaana sidoo kale jirta in l-Shabaab ay muddooyinkii dambe dhankeeda kordhisay weerarada ay fuliso.