Cabdikariin Guuleed oo ku dhowaaqay inuu dib ugu soo laabtay siyaasadda

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyay in haatan uu dib ugu soo laabanayo arrimaha siyaasadda dalka, kana qeyb qaadan doono hormarada ka socda dalka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale ka warbixiyay arrimo la xariira caafimaadkiisa, taas oo sababatay in 2017-kii uu ka fariisto siyaasadda.

Waxa uu tilmaamay in haatan ay xaaladdiisu wanaagsan tahay, islamarkaana ay meesha ka baxday xaaladdii caafimaad ay heysatay.

Guuleed ayaa carabka ku dhuftay inuu dib ugu soo laabanayo fagaaraha siyaasadda, kana qeyb qaadanayo wax u qabashada dadka iyo dalka.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in aysan isku soo koobin talada dalka, gaar ahaan arrimaha la xariira dhameystirka Dastuurka, doorashooyinka iyo qeybsiga kheyraadka dalka

Ugu dambeyn waxa uu ka dalbaday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Warka ka soo baxay Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku soo aadaya, xilli haatan maamulka uu Madaxweynaha ka ahaa ee Galmudug uu ku taagan yahay khilaaf xoogan.

Halkan hoose ka Akhriso

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com