Sawirro: Beesha Saleebaan oo go’aan culus ka gaartay imaanshaha Xaaf ee Cadaado

Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno Maaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow lagu soo gaba-gabeeyay Shir looga hadlayay Imaanshaha Madaxweynaha Galmudug ee Cadaado.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Odayaal dhaqmeed iyo Siyaasiyiinta deegaanka,isla markaana waxaa Go’aan ay ku gaareen in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo haatan ku sugan deegaanka Godiblabe lagu soo dhaweeyo Magaalada Cadaado.

Sidoo kale Odayasha dhaqanka iyo Siyaasiyiintii ka qeyb galay kulanka ayaa isku raacay in Cadaado markii uu yimaado Madaxweyne Xaaf la dejiyo Xarunta Madaxtooyadda,halkaasi oo markii horey uu ku shaqeyn jiray.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Xaaf uu xiriiro kala duwan la soo sameeyay Waxgaradka kunool Cadaado,isla markaana uu ku wargeliyay in uu kusoo wajahan yahay, waxaana muuqato inay Odayaasha durba aqbaleen codsiga Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyay magaalada Cadaado, wixii ka danbeeyay markii uu heshiiska la galay Ahlu suna, isagoo fariisin ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb, waxaana isbedel ku yimid markii ay Ahlu suna heshiis la gashay Dowladda Federaalka, isagoo qoraal uu soo saaray xalay ku sheegay inuu waxba kama jiraan yahay heshiiskii Ahlu suna uu la galay.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com