Cabdikariin Guuleed oo ku dhowaaqay xisbi siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shaaca laga qaaday magaca Xisbi siyaasadeed uu guddoomiye ka yahay madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo haatan ah musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay hoggaanka Xisbigan cusub oo la yiraahdo Sahan (Sahan Party) ayaa lagu sheegay inay ku mideysan yihiin kana soo muuqan doonaan siyaasiyiin, indheer garad,  aqoonyahano, dhalinyaro iyo haween Soomaaliyeed oo mugg iyo miisaan ku leh siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Si kastaba, lama shaacin magacyada cid aan Guuleed ka ahayn oo ku jirta xisbiga.

“Waxaa soo idlaaday geedi socod iyo wada tashi dheer oo lagu aasaasayey xisbi siyaasadeed balaaran oo la magac baxay XISBIGA SAHAN (SAHAN PARTY), ayna ku mideysan yihiin kana soo muuqan doonaan siyaasiyiin, indheer garad,  aqoonyahano, dhalinyaro iyo haween Soomaaliyeed oo mugg iyo miisaan ku leh Siyaasadda iyo Bulshada Soomaaliyeed, isla markaana matalaya dhammaan deegaanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xisbigan cusub ee Sahan waxaa gudoomiye ku meel gaara ka ah siyaasiga Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah masuul xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Xisbigan oo ka mid noqon doona xisbiyada ugu waaweyn ee dalka ee soo buuxin doona dhammaan shuruudihii xisbinimo,  waxa uu ka qeyb qaadan doona tartanka doorashooyinka guud ee dalka.

“Xisbiga SAHAN waxuu bah wadaag la noqon doonaa xisbiyada iyo xooggaga isbadal doonka ah ee dalka, waxuuna qeyb libaax ka qaadan doonaa geedi socodka dimuquraadiyeynta dalka, dowlad wanaagga iyo sarreynta sharciga.”

“Xisbigu waa mid u furan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waxuu ahmiyad gaar ah siinayaa dhalinyarada  Soomaaliyeed ee isugu jira wiilal iyo hablo,  asagoo u arka inay yihiin awoodda bulshada iyo hoggaanka mustaqbalka Dalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hoggaanka Xisbiga Sahan.

Ugu dambeyntii qoraalka ayaa lagu sheegay in Xisbigu uu qaban doono shirweyne, kaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan dhammaan xubnaha Xisbiga, waxaana loogu dhawaaqi doona si rasmi ah.