Cabdi Qaasmi oo shaaciyey dalal dhib ku haya Somalia + Dhaleeceeyey wixii ka dhacay Villa Somalia + Sababta

Cairo (Caasimada Online) Madaxweynihii horre ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa caawa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay xaaladda siyaasadda ee dalka Soomaaliya.

Cabdiqaasim oo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, ayaa u sheegay Idaacad ku taalla Muqdisho in uu aad ula socdo isbadallada dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka ee dalka.

Khilaafkii Villa Somalia

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha mar kasta soo kala dhex gala, wuxuuna sheegay in dhaqankaas uu soo billowday dowladii laga soo dhisay dalka Jabuuti gaar ahaan deeganka Carta.

Cabdiqaasim ayaa tilmaamay Soomaaliya in ay faragallin ay ku hayaan waddamada gobalka iyo kuwa caalamka oo uu yiri hub, dhaqaale iyo siyaasad ayey ku taageeraan siddii Soomaaliya aysan u dagi lahayn, arrintaas “muddo 10-sanno laga joogo ayaan sheegay “ayuu yir.

Madaxweynihii horre ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale tilmaamay in khilaafka madaxda dowladda inta badan uu sabab u tahay dastuurka qabyada ah oo aan qeexeynin awoodaha madaxda dowladda sida madaxweynaha, ra’iisalwasaaraha iyo baarlamaanka.

Wuxuu ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed ugu baaqay in uu la tashado madaxweynaha, baarlamaanka iyo shacabka Somaaliyeed.

Ugu dambeyn Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacay qaybo ka mid ah gobalada dalka sida Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan, wuxuuna ku tilmaamay mid nasiib darro ah in xilligan dagaallo qaab qabiil u eg dalka ay ka dhacaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com