Xildhibaannada BFS oo maanta kulan xasaasi ah ka leh qorshe cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulan ku leh xarunta golaha shacabka.

Fadhigga maanta ayaa looga hadli doonaa dhammeestirka qorshe cusub oo la doonayo in lagula dhaqmo qoxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada dariska.

Qorshahan ayaa maalmahan looga dooddayay fadhigga baarlamaanka, iyadoo dooddo xasaasi ah ay ka soo baxeen iyo bal sida laga yeelayo qoxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada gobalka.

Si kastaba, waxaa dhawaan dowladda ay magacowday hey’ad qaabilsan qoxootiga, taasoo dhawaab bllaabi doontaa soo daad gureynta qoxootiga Soomaalida.

Arrintan ayaa daba socota heshiis dhawaan ay kala saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo hey’adda UNHCR, kaasoo ah in qoxootiga nus-malyuunka ah ee ku sugan xeryaha qoxootiga Kenya dib loogu soo celiyo waddanka.

Wixii ku soo kordha fadhigga baarlamaanka oo goordhow furmi doono kala soco Shabakadda Caasimada Online.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com