RW ayaa kormeeray goobo muhiim ah oo Muqdisho ku yaalla

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Meelaha uu booqday waxaa ka mid ah dekedda Muqdisho, halkaasoo uu kula kulmay madaxda dekedda isagoona soo arkay howlasha ka socda dekedda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in la ballaarin doono dekedda Muqdisho isla markaana wax laga qaban doono musuq-maasuqa ka dhaca dekedda.

Ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo uu xarigga ka jaray Iskuulka Sarre ee Macallin Jaamac oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhawaan dayac tir lagu sameeyay.

Iskuulkan ayaa qayb ka ah barbaamijka Aada iskuulada oo ay soo bandhigtay xukuumadii horre kaasoo la rabo in ay wax ku bartaan hal Milyan oo carruur  Soomaali ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadiisa ay ahmiyad siin doonto kobcinta tacliinta carruurta iyo tayeenta manhajka waxbarashada dalka sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisal wasaaraha oo kormeerkiisa ay ku wehlinayeen qaar ka mid ah wasiiradii horre ayaa booqday xerada barakacayaasha ee Rajo ee degmada Wadajir halkaasoo ay ku noon yihiin in ka badan 400 oo qof oo ka soo  barakacay gobalada dalka, wuxuuna amaanay gargaarka ay siiyaan dadkan dowladda Turkiga.

Ugu dambeyn ra’iisal wasaaraha ayaa ku booqdaty guriiga uu daggan yahay fannaanka caanka ah ee Cabditahliil Warsame oo ku xanuunsanaya magaalada, wuxuuna ballan qaaday in uu wax u qaban doono.

Waa howshii ugu horreysay oo uu ra’iisal wasaaraha dhawaan uu magacaabay madaxweyne Xasan uu qabto tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com