General Cabdi QEYBDIID oo war culus ka sheegay MAGAALLADA MUQDISHO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Khamiis ah lagu qabtay xaflad lagu xusaayay sannad-guuradii 8-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay maamulka Galmudug.

Xafladda waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Ximin iyo Xeeb, Ahlu Sunna iyo siyaasiyiin kale, waxaana lagu soo bandhigay waxqabadka maamulka Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu saldhig u ahaa in uu qabsoomo heshiiskii ka dhacay magaalada Muqdisho 30-kii bishii hore kaasoo looga dhawaaqay in la sameeyo maamul ay ku mideysan yihiin gobalada dhexe.

Cabdiqeybdiid ayaa sheegay in biseelka ay muujisay Galmudug in uu sabab u ahaa shirka lagu dhisaayo m aamulka gobalada dhexe in uu ka dhaco magaalada Cadaado.

Wuxuu sheegay oo kale in sababta loo dhisaayo maamulka cusub uu yahay markii ay ka qadeyn gobalada dhexe deeqaha iyo horumarka Soomaaliya ka jira.

Wuxuu tilmaamay in gobalada dhexe aanu ka jirin deked, Jaamacad, Iskuul, Isbitaal iyo dhammaan addeegyada aas-aasiga ah.

Ugu dambeyn Cabdiqeybdiid ayaa sheegay in maamulka la dhisaayo in uu meesha ka saari doono dib u dhacaas uu ka soo sheekeeyay marka uu dhaco shirka looga hadlaayo maamul u sameynta gobalada dhexe.

Si kastaba, waxaa jirra dad wali saluugsan maamulka loo dhisaayo gobalada dhexe oo waxaaba ugu horreeya maamulka Puntland iyo qeybo ka mid ah Ahlu Sunna Waljamaca.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com