Cabdiweli oo deg deg u tagay Nairobi kadib war cabsi badan oo loo sheegay

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa safar aan horey loo shaacin oo deg deg ah maanta ku tagay magaalada Nairobi, kaddib markii ay halkaasi kasoo baxeen warar cabsi geliyey.

Walaaca Cabdi Weli ayaa ah in in ka badan 80 xildhibaan oo ku sugan magaalada Nairobi ay billaabeen diyaarinta mooshin uu gadaal ka riixayo Faarax Cabdulqaadir, oo lagu ridayo Cabdi Weli.

Cabdi Weli ayaa qado ugu sameeyey Naiorbi 80-ka xildhibaan ee magaaladaasi ku sugan, si uu uga dhaadhiciyo inay joojiyaan mooshinka sida hoose uga socda halkaas, ee isaga lagu ridayo.

Sida uu inoo sheegay xildhibaan ka mid ah kuwa la kulmay Cabdi Weli, oo aan magaciisa dooneyn in la shaaciyo, in inkasta oo kullanka mid guud oo qado ah lagu sheegay, haddana uu Cabdi Weli mid mid ula hadlayey xildhibaanada kana codsaday inay joojiyaan mooshinka.

Si kastaba diblomaasiyiin Nairobi ku sugan ayaa ka cabsi qaba inay adkaan doonto in Cabdi Weli uu joojiyo mooshinkan.

“Lacagta uu Faarax ku bixinayo mooshinkan, weligey ma arag wax u dhigma, ballan qaadyada uu u sammeeyey xildhibaannadana waa kuwo caqli ka bax ah” ayuu yiri diblomaasiga oo lagu magacaabo Maxamed Guuleed.

Arrintan ayaa imaneysaa ayada oo Cabdi Weli iyo Madaxweyne Xasan uu khilaaf u dhaxeeyo, lana doonayo in Cabdi Weli meesha laga saaro, sida ay horey u shaacisay Caasimada Online.

Xukuumadda Cabdi Weli, ayaa lagu eedeeyey inay noqotay xukuumadda ugu kalsoonida yar ee shacabka, kadib markii ra’iisul wasaaraha uu ku lug yeeshay isku dirka qabaa’illada iyo hurinta dagaal beeleedyada.

Laba toddobaad ka hor, ayaa Faarax C/Qaadir waxaa Naiorbi kula kulmay beesha caalamka oo uga digtay xil ka qaadista Cabdi Weli, hase yeeshee waxaa muuqata inuusan warkooda dhag jalaq u siin.

Faarax C/qaadir ayaa ah ninka ugu sarreeya talada dalka Somalia, inkasta oo Xasan Sheekh uu madaxweyne isaga magacaaban yahay.

cabdi1cabdi2cabdi3cabdi4cabdi5cabdi6cabdi7

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com