Xog: Cabdi Weli oo u tagaya qaxootiga

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow naga soo gaaray Safaarada Somalia ee Magaalada Nairobi, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaare C/wali Sheikh Axmed uu Saacadaha soo socdo booqan doono Xirooyinka Qaxootiga gaar ahaan Xerada Dhadhaab oo ay ku noolyihiin Kumanaan Qaxooti Soomaali ah.

Diblumaasi ka tirsan Safaarada Nairobi ayaa inoo xaqiijiyay in Tagista xerooyinka ee Ra’isulwasaare C/weli uu qeyb ka ahaan doono qorshe lagu daraaseynaayo sidii qaxotiga Soomaalida Kenya looga celin lahaa oo ay wadaan dowladaha Kenya iyo Somalia .

Sidoo kale Diblumaasiga ayaa waxa uu sheegay in Ujeedka Ra’isulwasaaraha uga imaaday shirkii ka socday Dalka Ethiopia uu ahaa sida uu usoo indha-indheyn lahaa Tiro ahaan Qaxootiga, waxa uuna Tilmaamay in Saacado kadib uu Ra’isulwasaare C/weli gaarayo Xerooyinka.

Dhanka kale, waxaa la sheegayaa in Ammaanka Magaalada Nairobi aad loo adkeeyay, iyadoona Xerooyinka Qaxootiga lagu arkaayo Ciidamo si aad u hubeysan iyo kuwa dharcad ah oo iyagu sugaayo Ammaanka goobaha uu Ra’isulwasaaraha booqanaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com