Qoryooleey oo guddoomiye yeelatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka laga helaayo dhanka Gobolka Sh/hoose, ayaa sheegaya in Degmadda Qoryooleey ay yeelatay Guddoomiye Cusub, islamarkaana xilka laga qaaday kii hore.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/hoose, C/qaadir Siidi, ayaa shaaciyay in Degmadda Qoryooleey loo soo magacaabay Mas’uul cusub kii horena xilka laga qaaday, waxa uuna Tilmaamay in Guddoomiyaha Cusub uu ahaan doono Maxamed Xaaji Osman “Shigshigow”.

C/qaadir Siidii Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Sh/hoose,waxa uu sheegay in loo soo gudbiyay warqad magacaabis ah oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha sidaana uu ku dhaqan galiyay Magacaabista Guddoomiyaha Cusub ee Degmadda Qoryooleey.

Sidoo kale, C/qaadir Siidi ayaa waxa uu sheegay in Beelaha dega Gobalka Sh/hoose ay ku sabraan Magacaabista Mas’uulkaasi, waxa uuna ku baaqay inaan hadalka si kale loo rogin oo aan laga dhigin shaqsi uu isaga wato magacaabistiisa.

Dhinaca kale, Guddoomiyihii hore ee Degmadda Qoryooleey, Osman Sheikh Ali Bulale ayaa ku gacan-sayray magacaabistaasi iyo inuu xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha cusub ee la soo magacaabay waxa uuna sheegay inuusan xilka wareejin doonin illaa ay ka qaadan Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka Beeshiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com