Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ma la qaarijin rabay mise waa la xiri rabay ?

Tuhun badan ayaa ka dhashay qorshihii lagu weeraray guriga siyaasiga af-maalka ah ee C/raxmaan Cabdishakur Warsame , dad ehelkiisa ah oo aan la hadlay ayaa qaba in la doonayay in la qaarijiyo kadib markii uu bulshadda u iftiimiyay aqoon daro badan oo hogaanka dalka ka muuqata.

Xiliga weerarku uu dhacay oo saqdhexe aheyd, ciidankii Yaasiin Ganey watay ee duulanka loo diray ma’ahane ciidan kale oo goobta lagu arkay iyo sidda wiilasha yar yar loo xasuuqay ayaa bixineysa fasiraad cad.

Yaasiin Ganey oo ay C/raxmaan qaraabo yihiin wuxuu dad asxaabtiisa ah u sheegay inuu la yaabay markii uu arkay ciidan aan kuwiisa aheyn oo dhar kale xiran oo howl galka dhinac ka wada, dadka amniga ka faalooda waxey qabaan inuu meesha uu ku jiray qorshe dil ah.

Laakiin goobta oo ay joogeen xildhibaano iyo siyaasiyiin kale ayaa hor istaagtay qorshaha dilka ah, madaama loo heli lahaa marqaatiyaal waa weyn taasna ay ku ceeboobi laheyd Dowladda dhexe.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhowaan sheegay in qof aan ku xeel dheereyn diinta, taariikhda, suugaanta oo sidoo kalana aan waayo aragnimo dugaashan karin inuusan ummad hogaamin karin taas oo su’aalo badan ku keentay nuuca iyo xirfadda hogaaamiyaasha Somalia ee xiligaan.

Rajadda laga qaba Dowladda cusub ee Somalia ayaa hoos usii dhaceysa waxaana sidoo kale ka muuqata dul-qaad yari baahsan iyo ineysan u adkeysan karin in la mucaarado.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com