Cabdiraxmaan Ciro ‘oo ilaada laga qaaday kadib amar kasoo baxay Muuse Biixi’

Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdilaahi Geel-jire, Xoghayaha abaabulka iyo wacyi gelinta Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa xaqiijiyey in Guddoomiye Ciro laga qaaday ilaaladiisi gaarka aheyd.

Geel-jire ayaa sheegay in talaabada Guddoomiye Cirro looga qaaday ilaaladiisi ay ka dambeeyen Mas’uuliyiinta sarre ee Xukuumada Muuse Biixi.

Waxa sidoo kale uu sheegay Geel-jire in xisbigu uu baajiyey maanta banaanbaxyo ay taageerayaashiisu ay ka dhigi lahaayeen magaalada Hargeysa, maadama ay wada-hadalo bilowdeen.

Cabdilaahi Geel-jire ayaa si cad u sheegay in banaanbaxyada gobolada kale ee Somaliland uu sidiisi u socon doono, isagoona si weyn u cambaareeyay talaabooyinka ka dhanka ah ee ay qaaday xukuumadu.

Geel-jire ayaa ugu dambeyntiina waxa uu si adag u cambaareeyay xariga ay xukuumada Muuse Biixi kula kacday Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Amarka ilaalada looga qaaday Guddoomiye Ciro ayaa waxa uu sii xoojin karaa xiisada ka dhex aloosan Waddani iyo Xukuumada, midaasi oo sababi karta rabshado kale oo hor leh inay ka dhacaan gudaha Somaliland, inkasta oo ay bilowdeen wada-hadalo lagu dhex-dhexaadinayo labada dhinac.