R/W ku-xigeenka dalka oo ka hadlay ku dhowaaqista ‘xisbigii weynaa’ ee dowlada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta shaaca ka qaaday in lagu dhawaaqi doono xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin madaxda ugu sarreysa ee hataan heysa talada dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka hadlaayay furitaanka kulanka Muqdisho Tech Summit ayaa sheegay in uu soo socdo Xisbiga weyn ee Madaxda dowladda dowladda, kaasi oo kamid noqonaya Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Waxaa uu sheegay in Dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska iloobaan wixii horay u dhacay, laakin ay ka fikiraan waxa soo socda ee doorashooyinka iyo Mustaqbka Soomaaliya.

Isaga oo ku hadlayay Magaca Xukuumadda Soomaliya ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, taas oo dalka ka dhacdo sanadka 2021.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhameystiri doono sharciga doorashada iyo xisbiyada.

“Waa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka fikiraan maxaa soo socda sidee doorweyn ay uga qaadan karaan doorashooyinka soo socda oo aad u soo saari kartaan qof dhalinyaro ah, dowladda Somalia waxaa ay diyaar u tahay qabashada dooorashada ayuu yiri”RW Kuxigeenka dalka.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) in wadanka ay xilligaan ka jiraan Xisbiyo badan sidaasi daraadeedna uu soo socdo Xisbiga weyn oo ay ku midoobayaan Madaxda ugu sareysa dowladda fedetaalka.