Cabdiraxmaan Daahir: Doorashada Beledweyne waa ganacsi la’isla wada ogyahay

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo wareysi gaar ah Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda guud ee magaalada Beledweyne iyo sidoo kale doorashada weli ka socota halkaasi.

Cabdiraxmaan Daahir oo ka mid ahaa musharixiinta xildoonka ah ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Beledweyne ayaa sheegay in magaaladaasi ay ka socoto doorasho uu ku tilmaamay ganacsi oo lacago fara badan lagu qaadanayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Beledweyne doorashada waxa ay aheyd mid laga ganacsanaayey oo lacago badan lagu qaadaayey,” ayuu wareysigaan yiri wasiir hore Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ayaa shaaca ka qaaday in lacagahaasi ay ku dhacayeen guddiga doorashada, saraakiisha amniga sugaya iyo xittaa madaxda sare ee HirShabelle.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday ammaanka Beledweyne, wuxuuna sheegay inay weli xaalad halis ah ka jirto magaaladaas oo ay ku sugan yihiin ciidan kala duwan oo hubeysan.

“Waxaan dareemayaa mar weliba qatar weyn oo xagga amniga ah uu jiro waxaa meesha yaalla hub aad u fara badan waxaa yaalla ciidamo badan oo meelo gaar ah ku uruursan ciidamadaas oo kala duduwan,” ayuu raaciyey wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo todobaadkii lasoo dhaafay qaraxyo xoogan ay gilgileen Beledweyne, kuwaas oo mid ka mid ahaa lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed.