Cabdiraxmaan Odawaa oo daaha gadaashiisa ka soo baxay iyo warbixin ku saabsan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa horeyna usoo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daaha gadaashiisa kaso baxay kadib muddoo badan oo uu qarinayey mucaaradnimadiisa.

Cabdiraxmaan Odawaa iyo qaar ka tirsan xisbigii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo badan is qarinayey iyadoo markaan si toos ah usoo cadeystay inay mucaarad ku yihiin dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Odawaa oo ah nin aqoonyahan ah isla markaasna looga fadhiyey inuu ka shaqeeyo sidii Soomaaliya looga bixin lahaa xaaladda adag oo ay hadda ku jirto ayaa ka shaqeenayo sidii loo dumin lahaa dowladda dhexe isla markaasna uu wadanka u geli lahaa xaalad foodo iyo jahwareer.

Xaaladdii Hore ee Odawaa iyo Kooxda Qabyo:

Xisbigii xilka lagala wareegay ee Qabyo ayaa bilowgii hore ee Dowladda Farmaajo ku heshiiyey inay mucaaradaan dowladda isla markaasna ay faafiyaan warar liddi ku ah dowladda isla markaasna mar kasta lala daba taagnaado Cambaareyn iyo shirar aan kala joogsi laheyn.

Xisbigaas oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii hore daaha gadaashiisa isku qarinayey si aysan bulshada Soomaaliyeed u fahmin, waxaa markii hore Xisbigaan Wakiil u ahaa Xildhibaan Mahad Salaad oo isaga dharka usoo dhigtay sidii qaab kasta oo la heli karo meesha looga saari lahaa dowladda Farmaajo wadankana loo gelin lahaa jawi aan daganeyn iyo foodo cusub oo horey looga soo gudbay maadaama dowladda Soomaaliya ay ku dhisan tahay hab doorasho.

Bishii ugu dambeysay waxaa banaanka usoo baxay xubno badan oo ka tirsan kooxda Qabyo kuwaas oo cadeystay ololaha halista ah ee lagu hayo dowladnimada Soomaaliya, waxayna xisbigaas isku soo abaabuleen qaab hab beeleysi ah, iyagoo diidan inay xilka sii heyso beesha hadda ku fadhiso Kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya.

Dadka hadda banaanka isisoo dhigay ayaa waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Odawaa oo ahaa nin aan laga fileyn inuu ku dhaqaaqo waxyaabo waxaan lamid ah, wuxuuna hadda Magaalada Muqdisho ka wadaa ololihii ugu dambeeyey oo dalka lagu gelinayo foodo siyaasadeed iyo mooshino laga soo abaabulay Wadan Imaaraadka Carabta.

Shirkii Muqdisho uga furmay Xildhibaanada Hawiye

Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka baxay kulan ay maanta isugu yimadeen xildhibaanadda iyo wasiirada beesha Hawiye ku matala Dowladda Federaalka ah kadib markii uu kulanka yimid duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed.

Kulanka oo ay ku dhowaad 70 Xildhibaan iyo wasiiro joogeen ragga ka baxay markii ay Taabit arkeen waa Mahad Salaad, C/raxmaan Xuseen Odawaa, C/risaaq Cumar Maxamed, Maxamed C/laahi Xasan Nuux  iyo Maxamed Cabdiraxmaan Beenabeene.

Waxaa kaloo lasheegay labo Xildhibaan oo laabtay markii ay Taabit maqleen oo uu ku jiro C/laahi Maxamed Nuur.

“Waxaa uu ahaa dhaqan siyaasadeed liita iyo ficiltan aan fiicneyn wixii aan maanta ku arkay hotel SYL ayuu igu yiri Xildhibaan kulanka ka qeyb galay oo la hadlay Caasimadda Online.

Arinta ugu yaabka badan ayaa aheyd ajandaha shirka xildhibaanadda iyo wasiiradda Hawiye inuu ahaa amniga iyo xaaladda caasimadda ee xiligaan, bal is weydii hadii Taabit shirka loo diido yey tahay cidda kale ee mudan in wax laga weydiiyo xaaladda Muqdisho.

Inkastoo aaney dadka caasimada ku nool dooran qofka maamulaya hadana shaki la’aan Thaabit wuxuu helay rabitaan Bulsho oo xoogan bilihii lasoo dhaafay.

Muqdisho uma dhiman doonto 5 xildhibaan oo xaajaddu ku xuntahay xiligaan, waxaase ayaan daro ah in ragga dhaqankaas maanta sameeyay iney intooda badan Wasiiro kasoo noqdeen dalka.

Siyaasada waa la isku qilaafi karaa laakiin fowdo, dhaqan caruureed iyo amnigu hasii xumaado looguma sacab tumi karo xidigihii hore karo ee Damul-Jadiid ee hadda loo yaqaan Qabyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com