Aqalka sare oo shaaciyey inay qeyb ka noqon doonaan ansixinta miisaaniyadda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay maanta yeesheen xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayay ku ansixiyeen qodob aan ka mid ahayn shaqooyinka loo xilsaaray.

Dood la horgeeyay Aqalka sare oo ay wateen xubno kooban taasoo ku saabsaneyd inuu Aqlaka sare qeyb ka noqdo ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ayaa cod ay u qaadeen ay ku ansaxsadeen inay wax ka ansixiyaan Miisaaniyadda sanadka 2018, iyadoo tani loo arko sal ballaarsi Aqalka sare uu sameynayo, isla markaana ku howlan howlihii kale ee Golaha shacabka.

Shirka oo uu guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Abshir Bukhaari ayaa xubnaha Aqalka sare kadib codeyntaasi waxay sheegeen inay Xeer hoosaadkooda ku darayaan inay qeyb ka yihiin ansixinta Miisaaniyadda.

Arrintan ayaa salka ku heysa, iyadoo miisaaniyadii hore ee sanadkii 2017 aanay ku jirin kharash loo qoondeeyay Aqalka sare oo aan markaas dhisneyn, waxaan dib loogu daray lacag loo qoondeeyay Aqalka Sare, iyadoo dadka qaarkii ay aaminsanaayeen in mushaarka iyo kharashka Aqalka sare ay bixiyaan maamul goboleedyada soo dirsaday ee danahooda ay metelaan.

Xeer Hoosaadka Aqalka sare ayaa wixii hada dambeeya qeyb ka noqon doona Ansixinta Miisaaniyadda, iyadoo miisaaniyada sanadka soo socda 2018 ay qeyb ka noqon doonaan doodiisa iyo ansixintiisa.

Aqalka sare ayaa qeyb ka noqon ansixintii Miisaaniyadda sanadkan 2017, iyadoo Aqalkan oo ah mid ku cusub saaxada siyaasadda ay howlihiisa aheyd mid iska kooban, balse haatan u muuqda mid sal ballaaranaya.

Dastuurka ayaa qodobo badan awood siineyn Aqalka sare, sida kalsooni kala noqoshada Xukuumadda iyo kalsooni siinteeda.

Aqalka sare ayaa isu bedelay mid howlan arrimo aan ka mid ahayn howlihii loo dhisay, isagoo ku dhex jira shaqooyinkii Golaha Shacabka, waxayna tani xaaladda dowladda federaalka ka dhigi doontaa mid cakiranta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com