Kenyatta oo hanjabaad u diray Raila Odinga iyo xulafada mucaaradka ah

Nairobi(Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa mar kale si adag uga hadlay kacdoonada ay maleegayaan mucaaradka dowladiisa oo uu ugu horeeyo Raila Odinga.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay inuusan u dulqaadan doonin in Raila Odinga uu sabab u noqdo burbur ku dhaca Kenya, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu qaadi doono talaabo cad.

Kenyatta ayaa tilmaamay in Raila Odinga uu ka guuleystay muddo laba jeer, wixii intaa ka badana uusan u dulqaadan doonin inuu ku raali galiyo doorasho Seddexaad, sida uu hadalka u dhigay.

”Waxaan diyaar u nahay inaan qaadno talaabo lid ku ah mucaaradka, waayo waxaa naga dhamaaday dulqaadka waa inaan la imaanaa talaabo cad oo dhabar jabin karta mucaaradka burburka u horseedaya dalka”

Kenyatta ayaa ku goodiyay in talaabooyinka uu qaadi doono ay qeyb ka noqon doonto dacwad heer caalami ah, maadaama Raila Odinga iyo xulafadiisa ay sabab u noqdeen burburka deegaano dhowr ah iyo geerida dhalinyaro badan.

”Raila Odinga waxaan ku sifeynayaa danbiyo xasuuq waayo waxa uu horseeday inuu sabab u noqday geerida dadbadan oo shacab ah, mana u dulqaadan doono xasuuq shacab” ayuu yiri Kenyatta oo ay xiganayeen Wargeysyada Kenya.

Geesta kale, Kenyatta ayaa soo dhaweeyay haddii ay jiraan dhinacyo ka madaxbanaan Mucaaradka oo dhex dhexaad u noqon kara labada dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com