DF oo xog xasaasi ah ka bixisay saldhigga Turkiga ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Somalia ee Turkiga Jama Abdullahi Mohamed ayaa ka hadlay qorshaha laga damacsan yahay dhismaha Saldhiga Turkiga ee duleedka magaalada Muqdisho.

Safiirka oo wareysi gaara siinaayay Wargeyska Daily Sabah, ayaa sheegay in dhismaha Saldhiga millateri ee turkiga uu bilow wanaagsan u yahay horumarka ay ku talaabeyso Somalia.

Safiir Jama Abdullahi Mohamed, waxa uu sheegay in Saldhigan uu ka qeyb qaadan doono dhismaha ciidamada Qaranka Somalia iyo kawarqabkooda, waxa uuna tibaaxay in dowlada Turkiga ay dib usoo nooleysay mooraalka Somalia, sanado badan kadib.

Safiirka ayaa intaa ku daray in waqtigaan uu muhiim u yahay geedi socodka Dowladnimada ayna ku faraxsan yihiin Xaruntan Militery ee turkidu ku leedahay Somalia.

Waxa uu tilmaamay in furnaanshiyaha Saldhiga uu ku imaaday iskaashiga labada dhinac oo ah ilaa iyo hadda ah mid ku socda si dardar leh, waxaana uu tusaale usoo qaatay in Turkiga uu ahaa dalkii ugu horeeyay ee taageero u fidiyay Soomaalida markii uu dhacay Qaraxii 14 bisha October ka dhacay Muqdisho.

Waxa uu tusaale usoo qaatay in Turkiga uu yahay keliya dalka u bareeray in Somalia uu ka garab siiyo dhinacyada Militeriga, Tababarka iyo Dagaalka.

Saldhiga ayuu sheegay inuu sii xoojinaayo xiriirka labada dal, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu dhici doonin is hortaag lagu sameeyo howlgalka ka socda Saldhiga

Sidoo kale, Saldhiga Turkiga ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda tababar ciidan oo lagu soo saaraayo ciidamo gaara oo ay hana doonto dowlada Somalia, kuwaa oo ka dhameystiran dhan waliba.

Geesta kale, Saldhiga Turkiga uu ka furay Muqdisho waxaa lagu tiriyaa Xaruntii ugu weyned ee uu ka dhiso meel ka baxsan dalkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com