Cabdiraxman Cabdishakuur oo si rasmi ah u xaqiijiyey arrin muddo la hadal hayey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan kursi kamid ah Golaha Shacabka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa galankii dambe ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Dhuusamareeb, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyen Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Cabdiraxmaan ku shaaciyay musharaxnimadiisa, wuxuuna ku yiri “Waxaan u tartamayaa mid ka mid kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. Waxaan rajaynayaa doorasho hufnaan iyo daahfurnaan leh.”

Waxa kale oo qoraalkiisa ku yiri “Waxaan si mug leh ugu mahadcelinayaa wasiirrada, xildhibaannada heer Federaal iyo dowlad goboleed, masuuliyiinta degmada, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka ee sida miisaanka iyo milgaha leh ii soo dhoweeyey.”

Inkasta oo uu sheegin Cabdiraxmaan tirsiga kursiga uu isku soo taagay ee Golaha Shacabka, ayaa haddana waxaa ogaanay in kursigaas uu tirsigiisu yahay HOP#138, kaasi oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Saciid Nuur Qayliye (Siciid Giriish).

HOP#138 ayaa kamid ah kuraas uu guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug uu shaaciyay 5-tii bishaan, waxaana lagu wadaa in doorashadiisa la qabto toddobaadka soo socda.

Cabdiraxmaan oo ah siyaasi si weyn uga soo horjeeda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu cadaadis badan kala kulmayaa Villa Somalia oo rabta inay dhaafiso kursigaas, inkasta oo uu kalsooni ka haysto beesha.

Qoor-Qoor oo si toos ah ugu xiran Villa Somalia ayaa la sheegay in lagu qasbayo inuu sameeyo dariiq walba oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu dhaafin karo kursigaan, balse arrinta aan la dhaafi karin waa inaan kursigaan loo sameyn karin Ergo been ah oo aan la boobi karin.

Kursigaan ayaa wuxuu ku jiraa kuraasta dabka ku ah madaxweyne Qoor-Qoor ee dhallin kara xiisadaha Amni, haddii la isku dayo in la boobo.

Inkastoo la sheegay in reerka isku raaceen in kursigaan la siiyo Cabdiraxmaan, haddana musharixiinta kale ee kursigaan raadinayo waxaa kamid ah Xasan Cadde, Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, Nin wasiir ka ah Koonfur Galbeed iyo xildhibaanka hadda ku fadhiya kursiga Saciid Nuur Giriish.