Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka qaraxa waxaa uu ahaa mid is-miidaamin ah, waxaana fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Wadada uu qaraxu ka dhacay ayaa xirneyd, sababo la xiriira doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee oo ka socota Dugsiga Tababarka  Booliska Janeraal Kaahiye.

Sidoo kale waxaa meesha uu qaraxu ka dhacay ku taalla bar-koontarool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, isla-markaana lagu hubiyo gaadiidka galaya Villa Soomaaliya.

Khasaara ugu badan ee ka dhashay qaraxan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu gaaray dad shacab oo xilligaas marayey waddada, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo.

Xaaladda goobta ayaa sidoo kale weli aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Faah faahinta kala soco:Caasimada.net.