27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Cabdisaciid oo shaaciyay in hay’ado sirdoon shisheeye ay ku dhex milmeen Al-Shabab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ahna La-taliyihii Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa shaaca ka qaaday in hay’adaha sirdoonka caalamiga ah ay xubno sirdoon ah ku dhex leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in arrintani tahay xeelad ay ku doonayaan inay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada ururkaas.

Cabdisaciid wuxuu tilmaamay in sababta ugu weyn ee sirdoonka caalamka ay xubno ugu diraan gudaha Al-Shabaab ay tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen khataraha amni ee uga iman kara kooxdan.

Sidoo kale, waxa uu xusay inay muhiim u arkaan helidda xogaha ku saabsan dadka dalalkooda uga biiraya kooxda Al-Shabaab.

Isagoo arrinta sii faah-faahinaya, Cabdisaciid wuxuu sheegay in tallaabadan ay qeyb weyn ka tahay sababaha adkaynaya jiritaanka Al-Shabaab. Sida uu hadalka u dhigay, joogitaanka xubnaha sirdoonka ee gudaha kooxda waxay keentay in Al-Shabaab helaan kaalmooyin dadban oo aan si toos ah loo dareemin.

Wasiirkii hore wuxuu caddeeyay in hay’adaha sirdoonka shisheeye aysan u danaynin amniga Soomaaliya, balse ay diiradda saaraan sidii ay amniga dalalkooda u ilaalin lahaayeen. Sidaas darteed, wuxuu sheegay inay arrintani si toos ah ugu dhaawacayso dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto xasilooni buuxda.

“Qiyaas qof xirfad sare leh oo u shaqaynaya hay’ad sirdoon oo iska dhigaya xubin Al-Shabaab ah. Haddii uu si fiican u yaqaanno tiknoolajiyadda casriga ah ama uu khibrad u leeyahay nidaamyada lacagaha dijitaalka ah, miyaanay macquul ahayn inuu si dadban u caawin karo kooxdaas?” ayuu yiri Cabdisaciid Muuse Cali, isagoo muujinaya khatarta arrintan.

Sidoo kale wuxuu xusay in Soomaaliya looga baahan yahay istaraatijiyad mideysan oo looga hortago wax kasta oo si dadban ama si toos ah u taageeraya jiritaanka kooxda, isagoo ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee gudaha iyo dibadda.

Hadalkan ayuu Cabdisaciid ka sheegay dood looga hadlayay khatarta argagixisada ee Soomaaliya ka jirta, taas oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

Dooddaas ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayey sida loola tacaali karo hanjabaadaha Al-Shabaab iyo caqabadaha ku xeeran la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News