27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Ciidamada Pakistan iyo India oo rasaas isku billaabay, xilli xiisadda ay ka sii ka dartay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kashmir (Caasimada Online) – Ciidamada Pakistan iyo Hindiya ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah rasaas isku weydaarsaday gudaha gobolka lagu muransan yahay ee Kashmir, sida ay saraakiishu sheegeen Axadda maanta ah, iyadoo xiriirka labada dal ee haysta hubka nukliyeerka uu gaaray heerkii ugu xumaa sannado badan.

Hindiya ayaa Pakistan ku eedeysay inay taageerto waxa ay ugu yeertay “argagixiso xuduud ka tallaab ah”, kadib markii koox hubeysan ay dileen 26 qof — weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado shacab ku nool Kashmir muddo ku dhow 25 sano.

Islamabad ayaa si adag u beenisay wax lug ah oo ay ku leedahay weerarka, iyadoo sheegtay in isku dayga lagula xiriirinayo Pakistan uu yahay “mid aan sal lahayn”, isla markaana ballanqaaday inay si adag uga jawaabi doonto tallaabo kasta oo ka timaada Hindiya.

Axaddii, ciidamada badda ee Hindiya ayaa sameeyay dhoolatus ciidan oo ay si rasmi ah u baahiyeen sawirro muujinaya maraakiib dagaal oo ridaya gantaallo, halka ciidamada ammaanka ay wadeen howlgalka lagu baadi-goobayo kuwii ka dambeeyay weerarkii 22-kii April ee ka dhacay goobta dalxiiska caan ka ah ee Pahalgam.

Milatariga Hindiya ayaa Pakistan ku eedeeyay inay bilaabeen “rasaas aan qiil lahayn” oo ay ku fureen xariiqda kontroolka xuduudda Kashmir ee Line of Control (LoC), oo kala qeybiya labada dal.

“Ciidankeenna ayaa si wax ku ool ah uga jawaabay rasaastaas iyagoo adeegsanaya hub fudud oo ku habboon,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay militariga Hindiya oo ka hadlayay dhacdadii ugu dambeysay, taas oo Pakistan aanay ka hadlin.

Booliiska Hindiya ayaa soo saaray waraaqaha lagu raadinayo saddex nin — labo Pakistani ah iyo hal Hindi ah — oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin ururka Lashkar-e-Taiba, oo ah koox argagixiso ah sida ay Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Hindiya ayaa baaritaanka weerarka u wareejisay hay’adda National Investigation Agency (NIA), oo ku takhasustay la-dagaalanka argagixisada.

“Goobjoogayaashii weerarka ayaa si faahfaahsan loo wareysanayaa si loo fahmo dhacdooyinkii sababay mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Kashmir,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay NIA Axaddii.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu “u furan yahay ka qaybgalka baaritaan madax-bannaan, hufan oo lagu kalsoonaan karo” oo lagu sameeyo weerarka.

– Dhoolatuska ciidamada badda Hindiya –

Ciidanka badda ee Hindiya ayaa sheegay inay sameeyeen tababarro lagu “tijaabinayo laguna caddeynayo diyaar garowga maraakiibta, nidaamyada iyo shaqaalaha ee weerarro hubeysan oo fog.”

Ma aysan caddeyn halka uu ka dhacay dhoolatuskaasi.

Wargeyska The Indian Express ayaa Axaddii soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Hindiya oo sheegay in “ay jiri doonto jawaab ciidan”, iyadoo mas’uuliyiintu “ka tashanayaan nooca weerarka la qaadi doono.”

Kashmir ayaa la kala maamulaa tan iyo markii Hindiya iyo Pakistan ay xornimada qaateen sanadkii 1947, iyadoo labada dalba ay sheegtaan lahaanshaha dhulkan balse mid walba uu xukumo qayb ka mid ah.

Kooxo hubeysan ayaa tan iyo 1989 ka wada kacdoon ka dhan ah xukunka Hindiya ee Kashmir, iyagoo dalbanaya madax-bannaani ama inay ku biiraan Pakistan.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ee xisbiga Hindu nationalist-ka ah, Narendra Modi, ayaa Axaddii mar kale ku celiyay ballanqaadkiisa ah in “dadkii lagu laayay Pahalgam ay heli doonaan caddaalad.”

“Argagixisada iyo taageerayaashooda waxay doonayaan in Kashmir mar kale burburto, taas ayaana sababtay in la maleego shirqoolkan weyn,” ayuu Modi ku yiri khudbaddiisa billaha ah ee raadiyaha qaranka.

Sabtidii, ciidamada Hindiya ee xukuma Kashmir ayaa qarxiyay guriga qoyskii uu ka dhashay mid ka mid ah eedeysaneyaasha weerarkii Pahalgam.

Guriga Farooq Ahmad Tadwa oo ku yaalla degmada Kupwara ayaa la burburiyay, taas oo qayb ka ah olole lagu bartilmaameedsanayo guryaha ay leeyihiin dadka lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxaha mintidiinta ah.

Sarkaal booliis ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaa u sheegay AFP Axaddii in ilaa iyo hadda sagaal guri oo ay leeyihiin mintidiin la qarxiyay tan iyo weerarkii Pahalgam.

Kaddib weerarka, New Delhi waxay hakisay heshiiskii biyaha la wadaagi jiray, waxayna xirtay xudduudda dhulka ee ay la wadaagto Pakistan. Sidoo kale, waxay hoos u dhigtay xiriirkii diblomaasiyadeed, iyadoo kala noqotay fiisooyinkii ay siisay muwaadiniinta Pakistan.

Dhankeeda, Islamabad waxay amartay in dalka laga saaro diblomaasiyiinta iyo la-taliyeyaasha milatari ee Hindiya, waxayna baabi’isay fiisooyinkii ay siin jirtay Hindiya — marka laga reebo soo-galootiga Sikh — iyadoo sidoo kale xirtay xudduudda weyn ee dhankeeda.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay muujiyaan “is-xakameynta ugu badan” si loo helo “xal nabadeed oo lagu gaaro wada-xaajood miro dhal ah.”

Weerarka Pahalgam ayaa calaamad u ah isbeddel weyn oo ku yimid bartilmaameedyada weerarrada fallaagada Kashmir, kuwaas oo sida caadiga ah lagu qaado ciidamada ammaanka ee Hindiya.

Sanadkii 2019, weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday ciidamada Hindiya ayaa lagu dilay 41 askari, taas oo sababtay in Hindiya ay duqeymo cirka ah ka fuliso gudaha Pakistan, arrintaas oo labada dal u dhoweysay inay galaan dagaal buuxa.

- Advertisement -

Read more

Local News