Minneapolis (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota oo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Daacish ayaa Isniintii qirtay dambi ah inuu isku dayay inuu taageero agab iyo dhaqaale siiyo urur ajnabi ah oo loo aqoonsaday argagixiso.
Cabdisataar Axmed Xasan, oo 23 jir ah, ayaa dambiga qirtay xilli uu ka soo hor muuqday Garsooraha Maxkamadda Degmada ee Mareykanka, Donovan Frank, magaalada St. Paul.
Markii Xasan dacwadda lagu soo oogay bishii Febraayo, dacwad-oogayaashu waxay sheegeen inuu baraha bulshada ku muujiyay sida uu ula dhacsanaa ninkii fuliyay weerarkii gaariga xamuulka ahaa ee 1-dii Jannaayo ka dhacay waddada Bourbon Street ee magaalada New Orleans, halkaasoo lagu dilay 14 qof. Ninkaas weerarka geystay waxaa dilay ciidanka booliska. Gaarigiisa waxaa surnaa calanka kooxda Daacish.
Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Cabdisataar uu bishii Diseembar laba jeer isku dayay inuu ka safro Minnesota si uu u aado Soomaaliya, ujeedkiisuna ahaa inuu kooxdaas ku biiro oo uu u dagaallamo, balse labada isku dayba way ka fashilmeen.
Hay’adda Dambi-baarista Federaalka (FBI) ayaa horay xog looga siiyay qof baraha bulshada isticmaala oo taageero u muujiyay kooxda Daacish iyo ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, taasoo keentay in saraakiisha hay’addu ay dabagal ku sameeyaan Cabdisataar labadiisii isku dayba.
Sida ku cad dukumentiyada maxkamadda, markii ugu horreysay ee uu Cabdisataar isku dayay inuu Soomaaliya u safro, shirkadda diyaaradaha ayaa u diidday inuu raaco diyaaradda maadaama uusan haysan waraaqihii safarka ee looga baahnaa. Duulimaadkii labaadna wuxuu seegay xilli ay saraakiisha federaalku su’aalo weydiinayeen, balse lama xirin ilaa xarigiisii bishii Febraayo.
Hay’adda FBI-da ayaa sheegtay inay aragtay Cabdisataar oo wata calanka kooxda maalin ka hor inta aan la xirin.
“Marka ay timaado arrimaha argagixisada, ma jirto meel qalad loo baneeyo,” ayuu yiri Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Mareykanka, Joe Thompson, oo qoraal soo saaray. ” Cabdisataar wuxuu lulay calanka Daacish, wuxuu ammaanay weerarada lagu qaado dalka, wuxuuna doonayay inuu dilo dad Mareykan ah. Ma qaadaneyno wax halis ah. Ma ogolaan doonno in Minnesota ay noqoto meel ay argagixisadu gabbaad ka dhigato.”
Cabdisataar, oo ah muwaadin Mareykan ah oo dhalashada qaatay, ayaa weli ku jira xabsiga. Ilaa hadda lama cayimin maalinta xukunkiisa lagu dhawaaqi doono. Ciqaabta ugu badan ee sharcigu u ogol yahay dambigan waa 15 sano oo xarig ah, balse heshiisyada dambi-qirashada ayaa inta badan horseeda xukun ka fudud.
Cabdisataar waa qofkii ugu dambeeyay oo ka mid ah dad badan oo Soomaalida reer Minnesota ah oo sannadihii la soo dhaafay looga shakiyay inay ka tageen ama isku dayeen inay ka baxaan Mareykanka si ay ugu biiraan kooxda Daacish, iyagoo ku biirayay kumanaan dagaalyahan oo ka socda dalal kale.
Sannadkii 2016-kii, sagaal qof oo reer Minnesota ah ayaa lagu xukumay dambiyo la xiriira maleegid shirqool oo ay kooxdaas ugu biirayeen, halka qof kale oo si toos ah kooxda ugu soo dagaallamay dalka Ciraaq isagana sannadkii hore lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.