C/Shakuur Cidin oo markale loo doortay duqa Berbera

Berbera (Caasimada Online) – Magaallo xeebeedka Berbera ee Somaliland waxaa maanta ka dhacday doorashada maayarka magaaladaasi iyo ku xigneekiisa, kadib codeyn ay sameeyeen xildhibaanada cusub ee loo doortay golaha deegaanka ee magaaladaasi.

Doorashada oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa ku soo baxay Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo ahaa duqii hore ee Berbera, isagoo markale loo doortay inuu hoggaamiyo magaaladaasi, wuxuuna helay 8 cod oo ka mid ah 13-ka mudane ee loo doortay degaanka.

Sidoo kale waxaa ku xigeenkiisa loo doortay xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac (Nuur Cadde) oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Wadani.

Cabdishakuur Cidin waxaa dib u doorashadiisa si weyn u soo dhoweeyey xisbiga uu ka tirsan ee Kulmiye oo ku tilmaamay guul u soo hoyotay xisbigooda.

“Dib u doorashada gudgoomiyaha golaha deegaanka degmada Berbera waa dhamaystirka qorshihii xisbiga Kulmiye ku hantiyay mar Labaad talada dalka, waana hanashada mar saddexaad talada dalka oo u sii hogaamiye xisbiga Kulmiye,” ayuu yiri afhayeenka xisbiga.

Sidoo kale waxa uu afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa intaasi sii raaciyey “Markale Berbera hore u socota waa guusha Qaranka soomaliland,”.

Dhinaca kale golaha deegaanka degmada Gar’adag ee gobolka Sanaag waxaa sidoo kale saaka ka dhacday doorasho kale, iyada oo maayar loo doortay Maxamed Cilmi Maxamuud halka ku-xigeenka oo loo doortay Sahal Maxamed Ismaaciil, kuwaas oo ka tirsan Kulmiye.

Somaliland waxaa dhowaan ka dhacday doorasho taariikhi ah oo isugu jirtay tan golaha deegaanka iyo mid golaha wakiilada oo ay ku tartameen xisbiyada Kulmiye, Wadani & Ucid.