Ciidamada Xoogga dalka oo kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaano horleh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka oo howl-gallo ka wada gobolkaasi ay la waregeen deegaano horleh oo ku yaalla gobolkaasi, isla-markaana ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay qabsadeen deegaanada kala ah Macalinka, Sabriye ,Balod, Binaanka-Balow, moordiinle iyo Ciise Lugoole oo hoostaga degmooyinka Awdheegle iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay shaaciyeen saraakiisha.

Sidoo kale ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka ayaa sheegay inay howl-galladaasi ku dileen ugu yaraan illaa lix xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda deegaanada ay la wareegeen ciidamada ayaa deggan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Shabeelooyinka.