Bulshada rayidka oo soo faro-geliyey kiiska dhallinyarada ku maqan dalka Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kulan ku yeeshay xubnaha Bulshada rayidka ah iyo waalidiinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eretareeya ee illaa hadda lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay bulshada rayidka ah ayaa waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa welwelka iyo cabashada ay qabaan waalidiinta ilmahooda loo qaaday tababarka.

Waalidiinta iyo Bulshada rayidka ah ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyey guddiga uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Ra’isulwasaaraha ka dalbadeyn si guddiga loogu kalsoonaado inuu ku daro qaar ka tirsan waalidiinta iyo odayaashii markii hore saxiixay in tababarka loo qaado.

Guddoomiyaha bulshada rayidka Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa soo jeediyey in tixgelin gaar ah la siiyo cabashada waalidiinta ay ka maqan yihiin ilmaha maadaama uusan jirin xiriir dhexmari karo ilmaha iyo waalidiinta oo ku kala sugan laba wadan.

Shaatax ayaa sheegay in bulshada rayidka ah ay dadaal kasta ku bixin doonto sidii lo qancin lahaa waalidiinta, wuxuuna tilmaamay inay la kulmi doonaan xukuumadda iyo cid walba oo ku lug leh ama wax ka qaban karta xaaladda heysata waalidiintaan.

Kulanka ayaa ugu dambeyntii waxaa laga soo saaray afar qodob oo kala ah:

  1. In Guddiga Xukuumadda ay magacawday si kalsooni badan loo helo lagu daro xubno katirsan Waalidiinta iyo Odoyaashii saxiixay markii dalka laga qaadayay.
  2. In Xukuumadda Dalka hadda ka jirto ay baaritaan dhab ah ku sameyso nidaamkii loo diray ciidankaan.
  3. In aan la siyaasadeen cabashada waalidiinta Dhalinyarada tababarka loogu qaaday Eretareeya oo aanay Xukuumadda iyanna u arag mid siyaasadeed.
  4. In Xukuumadda ay siiso Fursad Waalidiinta cabashada qaba ay kula kulanto si ay ugala hadasho welwelka heysta.