Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay xero ku taalla Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, gaar ahaan xerada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu tababaro xeradaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub.

Qofka is qarxiyey ayaa sidoo kale la sheegay inuu iska soo dhigay dhalinyarada dooneysa inay qortaan ciidanimada, isla-markaana uu is qarxiyey, marka uu soo galay safka .

Wararka ayaa sheegaya in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaasi, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo askarta ay waxyeelada soo gaartay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xerada oo isku geedaamay, isla-markaana wada baaritaano dheeraad ah.

Wixii soo kordha kala soco: caasimada.net