DF oo golaha ammaanka u gudbisay dacwad xasaasi ah oo ka dhan ah KENYA

New York (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay caddeymo muujinaya duqeymo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka geysteen Gudaha Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween.

Abuukar ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya dilal iyo dhaawac ay duqeymaha Kenya u gaysteen haween iyo caruur Soomaaliyeed, wuxuuna Kenya ku eedeeyey dambiyo dagaal.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa dhowaan sheegay in Kenya aysan duqayn ka fulin karin Soomaaliya, yadoo aan marka hore lagu war gelin taliska Amisom iyo dawladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay qasaaraha soo noqnoqday ee diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya, waxyeellana gaarsiisa dad shacab ah, laakiin waa markii koowaad ee ay xukuumaddu caddaymo geyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Kenya ayaa shalay sheegtay inay sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu furi doonto safaaraddeedkii magaalada Muqdisho kadib soo jeedin ka timid dowladda federaalka Soomalaiya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sidoo kale lagu casuumay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu kusoo laabto Nairobi, oo uu dib u billaabo howlihiisa.