Cumar Filish oo xil cusub ku soo kordhiyey G/Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xil cusub kusoo kordhiyay gobolka Banaadir, kaasi oo aan hore uga jirin, sida lagu shaaciyey wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiye Filish ayaa wuxuu ku aas-aasay “Waaxda Abaarmiitooyinka magaalada Muqdisho”, oo uu u magacaabay Mudane Kamaaludiin Yuusuf Maxamuud.

Filish ayaa aas-aaska waaxdan cusub ku sheegay mid muhiim ah, maadama gudaha caasimada ay kusoo badanayaan dhismayaasha abaarmiitooyinka.

Waxaa xeerka cusub dhameystirkiisa uu guddoomiyaha u igmaday Waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar, sida ku xusan wareegtada uu soo saaray.

Kamaaludiin Maxamuud ayaa noqonaya agaasimihii u horeeyay ee loo magacaabo Waaxda cusub ee Abaarmiitooyinka dowladda hoose ee Xamar.

Hoos ka eeg wareegtada Filish