Xog: Qorshaha tegitaanka Saadaq Joon ee Dhuusamareb iyo cidda ka shaqeysay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal ayaa sheegay in Xildhibaano ay qeyb ka yihiin Cabdiraxmaan Odowaa, Mahad Salaad, wasiirka amniga ee Galmudug Axmed Macalim Fiqi iyo siyaasiin kale oo mucaarad ah ay ka shaqeeyeen in magaalada Dhuusamareeb uu gaaro Janaraal Saadaq Joon. 

Xogta ayaa tilmaameysa in ujeedada socdaalkiisa uu yahay sugida ammaanka doorashada baarlamaanka, waxaana ogolaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug, iyadoo ay soo baxayaan durbaba cabsi ay qabaan siyaasiinta muxaafadka ah ee ku dhow Madaxweyne Farmaajo. 

Siyaasiyiintaan muxaafadka ayaa aaminsan in musharaxnimadooda uu saameyn ku yeelan karo Janaraal Saadaq Joon maadaama uu hoggaamin doono ammaanka doorashooyinka. 

Xubnaha mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug ayaa aamisan in taliyaasha booliska ee Galmudug oo laga soo magacaabay Muqdisho iyo ciidanka ay wataan oo ka tirsan kuwa dowladda dhexe ay doorashada u boobi karaan Farmaajo muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasina ay keentay in ay Galmudug geeyaan Janaraal Saadaq Joon. 

Xariirka ka dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Villa Somalia ayaa ahaa mid wanaagsan muddo ka hor hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in mugdi soo kala dhaxgalay labada dhinac, inkastoo wax kasta is badali karaan.

Tegitaanka Saadaq Joon iyo haddii u uku lug yeesho sugidda amniga doorashada Galmudug, waxay albaabka usoo xiri doontaa damacii madaxtooyada ee ahaa in xildhibaano taageersan si xoog ah looga saa soor Galmudug.